Sign in to follow this  
Deeq A.

Bankiga Adduunka Oo Hakiyay Gargaarka Uu Siin Jirey Dalka Sudan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Khartoum)-Bangiga Adduunka ayaa hakiyay lacagihii uu ku bixin jiray mashaariicda dalka Suudaan, go’aankan oo jawaab u ah afgembigii millatariga xukunka kala wareegay dowlad ku meel gaadh ah.

Xayiraadan dhaqaale ayaa lagu soo beegay xilli ay shaqaalaha shirkadaha batroolka ee dowladda, dhakhaatiir iyo duuliyeyaal ay ku biireen kooxaha rayidka ah ee ka soo horjeeda inqilaabkii millatariga.

Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka tan iyo maalintii isniinta ee afgambiga uu hoggaaminayay taliyaha ciidamada Jeneraal Abdel Fattah al-Burhan, waxaana dhowr qof lagu dilay isku-dhacyo ay la galeen ciidamada ammaanka.

Burhaan ayaa kala diray golihii dalkaasi maamulayey oo ka koobnaa militariga iyo rayidka ee loo dhisay inay dalka gaadhsiiyaan doorasho dimuqraadi ah kadib kacdoonkaii 2019 ee xukunka looga tuuray hogaamiyihii hore Cumar Al-Bashiir.

Jeneraalka ayaa sheegay inuu inqilaabka ku dhaqaaqay si uu uga hortago dagaal sokeeye oo dalkaasi ka dhaca, balse go’aanka Bangiga Adduunka ee lagu joojiyey lacagaha iyo mashaariicda horumarinta waxa ay dhabarjab weyn ku tahay waddanka Suudaan oo kamid ah dalalka Afrika ugu saboolsan.

Waxaa hore u sheegay inay deeqda dowlada Suudaan ka jarayaan waddanka Maraykanka iyo dalalka Midowga Yurub.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo shalay ka shiray xaalada Suudaan ayaa weli laga sugayaa inay kasoo saaraan qaraar ku aadan sidii loola macaamili lahaa militariga la wareegay awooda dalkaasi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this