Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga Iyo Imaaraadka Oo U Yeedhay Safiirada Lubnaan Kadib Hadal Ka Cadheysiiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa Arbacadii u yeedhay safiirada Lubnaan u jooga dalalkaas kadib hadal uu wasiirka warfaafinta dalkaas George Kordahi ku cambaareeyey howlgalka millatari ee Riyadh ay hogaamineyso ee ka dhanka ah mucaaradka Yemen.

Kordahi ayaa wareysi uu bixiyey Isniintii ku sheegay in Xuutiyiinta ay Iran taageerto “ay naftooda ka difaacayaan gardarro uga timid dibedda,” isaga oo intaas ku daray in ay xulufada Sacuudiga ay duqeeyaan “guryo, xaafado, tacsiyo iyo xaflado aroos.”

Waxa uu sidoo kale dagaalka Yemen ee socda toddobada sano ugu yeeray “macno darro”, isaga oo sheegay “in la joogo waqtigii la dhammeyn lahaa.”

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Sacuudiga ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay safiirka Lubnaan u dhiibtay qoraal ay uga ashtakooneyso hadallada “gefka ah” ee Kordahi.

Waxa ay sidoo kale inay ka xun tahay muujisay hadallada “aflagaadada ah,” ayada oo sheegtay inay ahaayeen “kuwa si cad ugu janjeera dhanka kooxda argagixisada ah ee Xuutiyiinta ee halista ku ah xasilloonida iyo amniga gobolka.”

Waxyar kadib ayaa Imaaraadka Carabta oo xubin ka ah isbaheysiga Sacuudiga ee Yemen waxay cambaareysay hadalka Kordahi, ayada oo sheegtay inay u yeertay safiirka Lubnaan.

Hadallada Kordahi “ee ceebta ah dhinacana u janjeera waxay u gefeen dalalka xubnaha ka ah isbaheysiga,” ayaa lagu yidhi bayaan ay sii daysay wakaaladda wararka rasmiga ah ee dalkaas ee WAM.

Dowladda Lubnaan ayaa Talaadadii sheegtay in hadallada Kordahi “la diiday oo aysan ka tarjumeyn mowqifka dowladda,” ayada oo intaas ku dartay in wareysiga su’aashu ay ka taagan tahay la qaaday kahor inta aan Kordahi loo magacaabin wasiir bishii September.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this