Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal Iyo Duqeyn Ka Socota Gobolka Tigrey Ee Dalka Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Dessie)-Dagaalo xooggan ayaa lagu warramayaa ka socdaan magaalooyinka Dessie iyo Kombolcha ee gobolka Axmaarada, kaas oo u dhaxeeya fallaagada Tigreega ah iyo ciidamada Itoobiya oo kaashanaya xulafadooda.

Magaalada Dessie ayaa waxay hoy u tahay tobanaan kun oo qof oo gudaha ku barokacay kuwaas oo ka qaxay guryahoodii markii uu dagaalku ku fiday magaalooyinka koonfureed ee Tigrayga.

Dhinaca kale magaalada Kombolcha ayaa ah xarun warshadeed oo hoyga u ah garoonka diyaaradeed ee ugu weyn deegaankaas.

Dowlada Itoobiya ayaa sidoo kale duqeymo dhanka cirka ah mar kale laga soo sheegayaa caasimada Tigray ee Mekelle.

Xafiiska isgaarsiinta ee dowladda ayaa sheegay in bartilmaameedyada ay ahaayeen qeybo ka mid ah Mesfin Engineering, oo ah warshad.

Duqeymihii ugu dambeeyay ee ka dhacay caasimadda gobolka Tigray ee Itoobiya ee Mekelle, ayaa dilay lix qof – oo ay ku jiraan saddex carruur ah – waxaana ku dhaawacay ugu yaraan 27 kale, kalkaaliye caafimaad sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ciidamada Faderaalka ayaa magaalada ka waday duqeymo dhanka cirka ah muddo ka badan todobaad, taasoo qeyb ka ah dagaalka ay kula jiraan jabhadaha Tigreega ee mudada sanadka ah socday.

Waa duqeymihii lixaad ee ka dhaca magaalada Mekelle, oo ay ku nool yihiin in ka badan 500,000, tan iyo todobaadkii hore.

Kooxda TPLF iyo dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Mekelle ayaa sheegay in duqeymihii ugu dambeeyay ee dhanka cirka ah lagu garaacay xaafad ay daganaayeen dad shacab ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this