Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha Booliiska Soomaaliya oo warbixin la wadaagay Wasiirka Amniga

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamad Nor ayaa kormeeray Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, halkaasi oo uu kula kulmay saraakiisha booliska.

Wasiirka ayaa warbixin ka dhegeystay Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliya Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo saraakiisha kale ee Booliska, kuwaasi oo ka hadlay xaaladda guud ee amniga iyo qorsheyaasha Booliska uga degsam xoojinta iyo sugidda Nabadgelyada.

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa kula dardaarmay Saraakiisha Booliska adkeynta amniga gaar ahaan goobaha doorashooyinka, maadaama dhawaan la guda geli doono doorashada kuraasta Golaha Shacabka, waxaana uu kormeeray qeybaha xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST

The post Taliyaha Booliiska Soomaaliya oo warbixin la wadaagay Wasiirka Amniga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this