Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Puntland oo dacwad laga gudbiyay

Recommended Posts

Deeq A.   
Xildhibaan-Macoow.jpg?resize=1000%2C763&

Bashiir Cabdulqaadir Siciid, oo ka tirsan Garsoorka Puntland ayaa dacwad ku saabsan Diin cay iyo aflagaado shakhsiya ka gudbiyay xildhibaan, Cabdirisaaq Maxamed Sahal (Macoow) oo kamid ah Baarlamanka Puntland.

Dacwad ka kooban shan qodob, oo Bashiir u gudbiyay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Puntland, ayuu ku qoray in xildhibaan Macow aflagaado iyo hanjabaad shakhsi ah ku sameeyay, islamarkaana caayay waalidkiisa iyo Diintiisa isagoo ku sugan xafiis kamid ah Garsoorka.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in xildhibaan Macoow uu carqalad iyo rabshad ka sameeyay xafiis ka tirsan Garsoorka Puntland oo markaas shaqo ka socotay.

Bashiir Cabdulqaadir ayaa Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda ka codsaday in tallaabada ku habboon laga qaado xildhibaan Cabdirisaaq Macoow, si waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda u degsan Puntland.

PUNTLAND POST

The post Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Puntland oo dacwad laga gudbiyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this