Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted October 28, 2021 Gabar dhakhtar oo ajnabi ah oo iska soo tuurtay dabaq ku yaalla magaalada Garoowe Dr. Naadiya Cumar oo ah dhakhtar ku takhakhusay xanuunada Haweenka una dhalatay dalka Itoobiya ayaa xalay iska tuurtay qaybta ugu saraysa ee dhismaha CITY VIEW Hotel oo kamid ah dabaqyada dhaadheer ee Garoowe Dr. Naadiya ayaa lagu warramay inuu gaaray dhaawac culus, islamarkaana ay xaaladeeda halis tahay. Dhakhtaradan, oo ah gabar dhalinyar oo kasoo jeeda gobolka Amxaarada ee dalka Ethiopia, ayaa la sheegay inay Muslim tahay, ayna u dhaxdo dhakhtar asal ahaan kasoo jeeda dalka Suuriya balse haysta dhalashada Turkiga, kaasi oo lagu magacaabo Maxamed Cabdixamiid. Dr. Maxamed ayaa ku takhasusay xanuunada gaaska iyo uur ku-jirta. Dr. Naadiya ayaa bilowgii sanadkan ka tagtay shaqadii ay ka haysey Garoowe gaar ahaan Qaran Hospital oo ay ka ahayd dhakhtar xanuunada Haweenka ah. Intii ay ka hawlgelaysey Qaran Garoowe waxay fulisey hawlgalo caafimaad oo aad u culus oo ay ku jireen qaliimo adag, kuwaasi oo dhamaan ay ku guulaysatey. Illaa iyo hadda ma cadda sababta ay Dr. Naadiya dabaqa isaga soo tuurtay oo ay nafteeda halis u gelisay. Laamaha ammaanka Garoowe ayaa wada baaritaano ku aadan sababta keentay shilka. Xigasho Quote Share this post Link to post Share on other sites
Arafaat Posted October 28, 2021 Is this political? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dhagaxtuur Posted October 29, 2021 Somalia, a place where an Arab national gets a decent job. Lures an Ethiopian to the lucrative somali job market, gets jealous and kills her. Wild, wild west. 1 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted October 29, 2021 18 hours ago, Arafaat said: Is this political? Your answer: 2 hours ago, Dhagaxtuur said: Somalia, a place where an Arab national gets a decent job. Lures an Ethiopian to the lucrative somali job market, gets jealous and kills her. Wild, wild west. Quote Share this post Link to post Share on other sites