Sign in to follow this  
Deeq A.

Wax ka ogow sirta dadka dawarsada ee ugu taajirsan adduunka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wax ka ogow sirta dadka dawarsada ee ugu taajirsan adduunka

.

Qofka dawarsada sida dhakhli uu u helo bil kasta waxay ku xiran tahay goobta uu ku nool yahay iyo halka uu ka tuugsado. Waxaa jiro dad dhaqaale badan soo xareeya maalintii ama bishiiba, halka kuwa kalena aysan waxbo helin.

Arrintan la yaabka leh ayaa ah in dadka ka dawarsada waddooyinka ay ka dhakhli badan yihiin dadka shaqaalaha ah ee xooggooda maala.

Haddaba waxaan halkan idiin kugu soo gudibeynaa qaar ka mid ah dadka dawarsada ee ugu taajirsan adduunka:

Bharat Jain

Bharat Jain oo 53 sano jir ah wuxuu ku nool yahay maagalada Mumbai ee dalka Hindiya, waa nin caan ah oo si weyn uga dawarsada agagaarka deegaanka Chhatrapati Shivaji ee Mumbai.

Maalin kasta, 8 saacadood ama 10 saacadood gudahood wuxuu soo xareeyaa 2,000 Rupee oo lacagta Hindiya ah, una dhiganta $ 1,000 doolar. Waa lacag aad u badan oo aysan xitaa soo gelin celcelis ahaan shaqaalaha Hindiya.

Jain wuxuu dhistay labo guri oo qurxoon oo uu kireystay, waxaa bil kasta uga soo xarootaa guryahaas 10,000 oo lacagta Hindiya ah.

Eisha Cara, Sacuudi Carabiya

Waxay aheyd haweeney caan ah oo muddo 50 sano ah ka dawarsan jirtay waddooyinka magaalada Jeddah ee Sucuudiga.

Eisha, iyadoo 100 sano jir ah ayay geeriyootay, sannadkii 2014, waxay ka tegtay guryo qaali ah kuwaas ay ku wareejisay dadkii saboolka ahaa. Arrintaas waxay ahayd mid dad badan ay la yaabeen.

Hanti fara badan oo isugu jirtay dahab iyo balaayiin doolar ay ka dhimatay.

Krishna Kunar Gite

Wuxuu ka dawarsadaa waddooyinka magaalada Mumbai, waan nin caan ah oo si weyn looga yaqaano halkaas.

Dadka qaar waxay ku tilmaamaan nin dadaal badan, wuxuu shaqaaleysiiyay walaalkii ka yar si lacagta uu dawarsiga ku soo helay ugu hayo, waana xisaabiyihiisa gaarka ah.

Sambhaji Kale

Wuxuu ka dawarsan jiray waddooyinka Mumbai isaga iyo afar ka mid ah qoyksiisa.

Wuxuu maalin kasta soo xareyn jiray illaa $1,000 doolar, Sambhaji wuxuu maalgashaday qaar ka mid ah shirkadaha ganacsi ee adduunka, halkaas oo dhakhli badan uu ka helo illaa iyo hadda.

Wuxuu sidoo kale leeyahay hanti kale oo uu ka mid yahay guri weyn oo qaali ah.

Saravatia Devi

Sarvatia Devi waa haweeney caan oo ka dawarsata maagalada Patna ee dalka Hindiya.

Waxay shaqadan bilowday iyadoo 35 sano jir ah, waxay lacagta ay u soo dawarsato ku xareysataa akoon bangi oo ay furatay.

Dadka waxay inta badan ugu yeeraan magaca ‘Devi’, waxay jeceshahay in ay u safarto goobaha cibaadada ee muqaddaska ee ku yaalla dalkaas.

 

Arrinta la yaabka ah ayaa ah in marka ay safreyso aysan bixinin lacagta gaari-raaca ah, waxayna ku dhex dawarasataa babuurka, tan iyo inta ay ka gaareyso goobtii ay ku wajahneyd.

Massu

Massu waa 60 sano jir ku nool magaalada Mumbai, waana nin caan ka ah magaaladaas, waxaana lagu arkaa waddooyinka isaga oo dawarsanayo.

Marka uu tuugsanayo wuxuu qabaa dhar jeejeexan, wuuna ooyaa marka uu dadka wax waydiisanayo, waana sababta uu ku helo dhaqaale badan.

Arrinta la yaabka leh ayaa ah in marka uu gabbalka dhaco la arko ninkan oo ku labisan dhar qurxoon, isla markaan aad u maleyneyso in uu yahay shaqaale dowladeed.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this