ANTARA Posted November 2, 2008 Nin somali ah oo LIXDAN jir ah laga soo daayey shalay Guatanmo Bay. Nov 02, 2008 at 11:02 AM Hargeysa(Ogaal)- Maxamed Xusseen Cabdillaahi (60) oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Gobolka Togdheer ee Somaliland oo muddo Todoba (7) sanaddood ah ku xidhnaa Xabsiga Guantanamo bay, ayaa shalay ka soo degay madaarka Magaalada Hargeys, ka dib markii Maraykanku ka soo daayay Xabsigaa Jimcihii doraad. Maxamed Xusseen Cabdillaahi oo lagu soo wareejiyay gacanta hay’ada ICRC, si ay u soo gaadhsiiso Somaliland, shalay markii ay madaarka Hargeysa keeneen waxa halkaa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha gudaha Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Ciro) iyo dad eheladiisa ah. Kuwaasoo ku soo dhaweeyay dalkiisa hooyo oo ay ugu danbeysay 1967-kii. Hadaba, Maxamed Xusseen Cabdilaahi oo da’ahaan waayeel ah, waxa uu waraysi khaas ah oo uu xalay wargeyska Ogaal la yeeshay kaga hadlay, sidii loo qabtay, sababtii loo qabtay, wixii uu kala kulmay Xabsiga Guantanamo-bay Todobadii sanadood ee uu ku jiray, sidii loo soo daayay iyo duruufaha kale ee guud ahaan ay wadaagaan dadka Xabsigaasi ku sii hadhay ama laga soo daayay. Waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan; Ogaal: Maxamed Xusseen, goorma ayaa lagaa soo daayay Xabsiga Guatanamobay? Maxamed Xusseen: Jimcihii ayaa xagaa la iga soo qaaday, markaa Maantana (Shalay) waxaan imi Jabuuti, halkaana waxa iga soo qaaday Diyaarad ay leedahay hay’ada ICRC, markaa sidaas ayaan Hargeysa ku imi. Ogaal: Ma keligaa ayaad ahayd, mise waxa ku wehelinayay cidii xagaa kaa soo qaaday? Maxamed Xusseen: Diyaaradii aan xagaa ka soo raacay cid illa socotay ma jirin. Mid turjumaan ahaa oo iyaga u shaqaynayay iyo Naag wax sawiraysay oo iyaga u shaqaynaysay mooyaane, waxa kalena waxay ahaayeen Millateri diyaarada ka shaqaynayay. Ogaal: Ma wax dambi ah ayaa lagugu waayay oo sidaas ayaa laguu soo daayay,? Maxamed Xusseen: Annigu marka horeba, dambi aan galay oo la igu qaatay ma jirin. Gurigayga ayaa la iga qaatay, Xoolihii guriga yaalay-na way qaateen, Maraykan-baana gurigayga iga qaatay. Markaa, markii ay xagaa I geeyeena wax dambi ah la iguma helin. Laakiin, dadka meesha joogaaba dambi ay leeyihiin ma jirto ee way iska xidhan yihiin. Markaa, hadda waxa jirta in dawlad cusubi ka dhalanayso Maraykan, markaa tii hore waxay doonaysaa bal ceebihii ay ku dhacday inaanay ku dhicin, waxana dhici karaysa in meeshaba la xidho oo dadkaba laga wadda saaro. Ogaal: Adiga goorma ayaa lagu qabtay, sidee laguu qabtay, halkee lagugu qabtay? Maxamed Xusseen: waxa la I qabtay bishii labaad 2002-dii, markaa Bakistan baan joogay, oo aan deganaa 17-sanadood. Ciqaamad ayaanan ku lahaa, xafiiska Laajiyiintana bidaaqad ayaan ka haysay. Markaa, Maraykanku gurigayga ayuun buu iga qaatay, wax alla wax dambi ah oo aan galay oo ay igu qaateena ma jirin. Ilaa maantadana waxaan lahaa uun maxaan sameeyay, maxaad ii soo qabsateen ma jirto. Ogaal: Imisa sanadood ayaad Jeelka Guantanamo ku xidhnayd? Maxamed Xusseen: Ilaa todoba sanadood. Ogaal: Todobadadaa sanadood maxaad kala kulantay, Xabsigaas? Maxamed Xusseen: Dadka dulmi ayaa lagu qaaday, wax wanaag ah oo ay dadka kula shaqeeyaana ma jirto, aad ayay u qalafsan-yihiin, markaa Ilaahay ayaa jira. Ogaal: Adiga wax Maxkamad ah ma ku saareen? Maxamed Xusseen: Waxa jirta, Maxkamad millatari oo meesha ka shaqaysa. Waxa kale oo jirta Maxkamad kale oo dhinaca Maraykanka ku taala oo sare oo doonaysa inay baadho dadka meesha ku xidhan iyo waxyaabaha loo haysto. Markaa taas ayaa sabab u ah inay dadka meesha ka saaraan. Ogaal: Adiga waxa nagu maqaalo ah in mudo laba sanadood ahba meeshii lagu geynayay la doonayay, markaa ma xiligaas ayaa lagu sii daayay? Maxamed Xusseen: Mudo afar sanadood ku dhaweyd-ba, inaan meesha ka baxo ayay ahayd, hadana intaa wey isii haysteen. Marka horena dambi igumay qaadin, markana dambi igumay helin, markaa sidaa ayuunbay meesha iigu hayeen, hadda ayaanu Ilaahay iga soo saaray. Ogaal: Nin kale oo Soomaali ah oo xidid tihiin ayaa kugula xidhnaa Xabsigaas, hadana waa lagaa reebay oo lama soo deyn isaga, bal ka waran arrintaa? Maxamed Xusseen: Maxamuud Saleebaan gurigiisa ayaa laga qaatay, wax dambi ah oo uu galayna ma jirto, intaan aniga la I qabsana meelahaa Laba Bilood ayuu iga horeeyay ayaan u malaynayaa. Ilaa imika wax ay ku haystaan ma jirto. Hadana weli meeshii ayuu ku jiraa, goor la soo deyn doonana Ilaahay ayaa og. Ogaal: Isaga Maxkamad miyay saareen? Maxamed Xusseen: Maxkamadoodu waa Maxkamad Millatari wax macno ah oo ay leedahay-na ma jirto, dambi aanad qabin ayay ku saarayaan, laakiin markaad tidhaahdo cadee dambiga aad igu haysato, waxba kugu cadayn kari maayaan. Ogaal: Adiga ma argagixisay kugu eedeeyeen? Maxamed Xusseen: Wax kasta waa ay kugu eedeynayaan. Ogaal: Laakiin, haday argagixiso kugu eedeeyeen, hadana markii ay dambi kugu waayeen ku soo daayeen, taas maxaad u aragtaa? Maxamed Xusseen: Waxa jira, markii hore dambi aanu galay nagumay qaban, markay na baadh-baadheena dambi nagumay helin. Nimankani, diin-na nagulamay noolaanin, qaanuuna nagulamay noolaanin, waa na qaateen meelbay na saareen, markii danbena waa soco weeye. Laakiin, qofku hadii uu dambi leeyahay, oo dambigii lagu qaado waa wax macquul ah weeye, hadii dambi lagu waayo oo la sii daayana waa suurtagal. Laakiin, iyaga (Maraykanka) toodu waxa weeye, dambi lahow ama ha lahaanin meeshuunbaa lagugu haynayaa. Ogaal: Imisa qof oo kale oo Soomaali ah ayaa hadda ku jira Guantanamobay? Maxamed Xusseen: Sadex nin oo kale ayaa ku jira, laakiin dadka kale ee aan Soomaalida ahayni way fara badan yihiin. Ogaal: Todobadaa Sanadood ee aad jeelkaa ku jirta, waxayaabaha raadka kugu reebay ee aanad Iloobi karayn ee halkaa kaa soo raacay maxaa ka mid ah? Maxamed Xusseen: Markay Todoba Sanadood meel igu xidheen, ee ay Gurigaygii baadheen, ee ay reerkaygii iga dhex qaateen, iyagiina cidla kaga tageen maxaa taa ka weyn? Ogaal: Mar kasta ma Sil-siladaa la idinku xidh-xidhi jiray? Maxamed Xusseen: Silsilad waxa iigu dambaysay Diyaarada aan soo raacay, Silsiladi dhexda ayay igaga xidheen mid lugaha ayay igaga xidhnayd, miday Kursiga iigu xidheen. Waxaas ayay igu wada xidh xidheen.. Intaanu Jeelka ku jiray, mar kasta oo aad Albaabka makhsinkaaga dibada uga baxayso ama aad Dhakhtarka tegayso ama wax lagu weydiinayo, Silsiladaas ayaa lagugu xidhayaa si kale umma baxaysid. Ogaal: Cibaadada sow idiinmay ogolayn? Maxamed Xusseen: Taasi, waa caadi markaad Maqsinkaaga ku jirto, silsiladi kuguma xidhna? Ogaal: Su’aalihii ugu badnaa ee ay ku weydiin jireen markii baadhistu kugu socotay maxay ahaayeen? Maxamed Xusseen: Wax kasta waa ay ku weydiinayaan, maalintaad qufucday maxaad u qufacday, Caruurta hubkaad bari jirteen muxuu ahaa. Al-qaacida ayaad tahay, ninka haystana waad la kulantaye, maxaad ka wadda hadasheen. Hadaad tidhaa waar lama kulmin, waad la kulantay ayaa lagu odhanayaa, wax walba waa lagu saarayaa. Ogaal: in halkan lagu keeno ma adigaa codsaday, mise iyagaa khasab kugu keenay? Maxamed Xusseen: Annigu waan diiday inaan meel kale qabto oo la igeeyo dal kale, anigaana codsaday in la I geeyo dalkayga oo ku idhi igu celiya. Ogaal: Hada mar hadaad halkan nabad-gelyo ku timi, maxaad u jeedinaysaa eheladaadii iyo dadkii kale ee ka qayb qaatay sii deyntaada? Maxamed Xusseen: Waxaan leeyahay, waan caafimaad qabaa waanan wanaagsanahay, Ilaahayna waxaan ka baryayaa in aan wadankayga wanaag ugu noolaado. Xukuumada Somaliland oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha, Wasiirka Arrimaha gudaha iyo dhamaan Golaha Xukuumada iyo Golayaasha Baarlamaankana aad iyo aad ayaan ugu mahad-naqayaa, waxaanay iga yeeleen sidii aan filayay oo waa xaqa la isku leeyahay. Sidoo kale, Looyaradii xagaa iiga shaqeeyay iyo looyarada halkan ee gacanta ka geystay arrimahayga iyo dhamaan intii kale ee gacan ka geysatay iyagana waan u mahadnaqayaa. Source Ogaal Quote Share this post Link to post Share on other sites
BOB Posted November 3, 2008 Originally posted by ANTARA: dadka meesha joogaaba dambi ay leeyihiin ma jirto ee way iska xidhan yihiin. Dadka dulmi ayaa lagu qaaday, wax wanaag ah oo ay dadka kula shaqeeyaana ma jirto, aad ayay u qalafsan-yihiin, markaa Ilaahay ayaa jira. Laakiin, iyaga (Maraykanka) toodu waxa weeye, dambi lahow ama ha lahaanin meeshuunbaa lagugu haynayaa. Markay Todoba Sanadood meel igu xidheen, ee ay Gurigaygii baadheen, ee ay reerkaygii iga dhex qaateen, iyagiina cidla kaga tageen maxaa taa ka weyn? Silsilad waxa iigu dambaysay Diyaarada aan soo raacay, Silsiladi dhexda ayay igaga xidheen mid lugaha ayay igaga xidhnayd, miday Kursiga iigu xidheen. Waxaas ayay igu wada xidh xidheen.. Intaanu Jeelka ku jiray, mar kasta oo aad Albaabka makhsinkaaga dibada uga baxayso ama aad Dhakhtarka tegayso ama wax lagu weydiinayo, Silsiladaas ayaa lagugu xidhayaa si kale umma baxaysid. Wax kasta waa ay ku weydiinayaan, maalintaad qufucday maxaad u qufacday, Caruurta hubkaad bari jirteen muxuu ahaa. Al-qaacida ayaad tahay, ninka haystana waad la kulantaye, maxaad ka wadda hadasheen. Hadaad tidhaa waar lama kulmin, waad la kulantay ayaa lagu odhanayaa, wax walba waa lagu saarayaa. I'm sorry to hear the ordeal this innocent man has been through and I'm glad he's finally free and he can now concentrate on rebuilding his shattered life. This story must also be hard to stomach for those in here who believe U.S xuquuqda bini aadamka iney ilaaliso ama aysan eheyn dad aan dulmin masaakiinta, waxaan hubaa hadii ay dadka ninkaan qabsaday Muslim yihiin this topic would've been 5-6 pages by now but since it's the other way around people suddenly forgot how to type...their fingers must have gone numb. Salam Aleikum W.W Peace, Love & Unity. Quote Share this post Link to post Share on other sites