Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Ahlusunna oo isaga baxay magaalada Guriceel

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Ahlusunna Waljamaaca ayaa saaka isaga baxay magaalada Guriceel kadib wada-hadal dhexmaray iyaga iyo Ganacsato u dhashay magaalada oo dhex-dhexaadinayay labada dhinac ee Galmudug iyo Ahlusunna.

Ciidamada oo uu hoggaaminayay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa aroornimadii hore ee saaka isaga baxay saldhigyadii ay kaga sugnaayeen Guriceel waxaana la sheegay in ay u jihaysteen dhinaca degaanka Godwiil oo dhanka waqooyi kaga beegan Guriceel.

Wararku waxay sheegayaan in Ahlusunna laba gaari oo Gaashaaman uga tageen xarunta Jaamacadaha ee Guriceel kuwaas oo ay horay uga qabsadeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xaaladda Magaalada Guriceel ayaa maanta deggan waxaana gacanta ku haya ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Ahlusunna oo isaga baxay magaalada Guriceel appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this