Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiye Sanyare oo kulan la qaatay Madaxa Cusub ee Xafiiska WFP Somaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
6-10.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa kulan la qaatay Madaxa Cusub ee Xafiiska WFP ee Somaliya El-Khadir Doloum.

Kulankan ayaa waxaa qayb ka ahaa madaxa Xafiiska WFP Gaalkacyo Lakule Ladowani, Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa warbixin ka dhagaystay Madaxa Xafiiska WFP Somalia Shaqooyinka u hirgalay iyo kuwa dhawaan ay ka qabanayaan Magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobolka Mudug isagoona Gudoomiyaha uga mahadceliyey Shaqooyinka Dowladda Puntland ay ka qabatay Gaalkacyo iyo dibu dajintii ay usameeyeen shacabkii laascaano laga soo barakiciyey.

Gudoomiyaha Gobolka ayaa yiri “ ku soodhawoow Magaalada Gaalkacyo, waan idinkaga mahadcelinayaa sida aan wada shaqaynta dhow uleenahay, sidoo kalena waxaan idinku bogaadinayaa waxtarka leh ee ay ka qabtaan Puntland gaar ahaan Gobolka Mudug.”

PUNTLAND POST

The post Gudoomiye Sanyare oo kulan la qaatay Madaxa Cusub ee Xafiiska WFP Somaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this