Deeq A. Posted October 26, 2021 Guddiga KMG doorashooyinka Puntland ee TPEC ayaa galabta si rasmiya u shaaciyay natiijada doorashada degmada Qardho. Degmada Qardho ayaa markii u horraysay yeelatay gole degaan oo lagu doortay doorashada hannaanka xisbiyada badan ee qof iyo cod. Guddiga ayaa sheegay 33 xubnood oo loo doortay golaha degaanka Qardho. Muxsin Cabdulaahi Xaaji Cabdi oo kamid ah Barakacayaasha soomaaliyeed ee ku nool Puntland ayaa kamid noqday golaha degaanka Qardho isagoo ka soo baxay urur siyaasadeedka KAAH. Sidoo kale, Xasan Ciise iyo xaaskiisa Faa’isa Siciid Cali ayaa kamid noqday xubnaha cusub ee golaha degaanka degmada Qardho. Halkaan ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Natiijada doorashada degmada Qardho oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites