Deeq A. Posted October 26, 2021 Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayaa ka walaacsan dagaalka ka socda degmada Guriceel ee u dhaxeeya Ahlusunna iyo Galmudug. Beesha Caalamka ayaa ugu baaqday dhinacyada dirirtu ka dhaxayso inay si dhakhso leh u joojiyaan dagaalka oo ay wada hadal ku dhameeyaan khilaafkooda. Sidoo kale Beesha Caalamku waxay sheegtay in ay diyaar u yihiin inay taageeraan dadaalladaas haddii ay dhinacyadu codsadaan. War-saxaafadeed wadajir ah oo ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu yiri “Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa ka walaacsan dagaalka ka socda magaalada Guriceel ee Dowlad Goboleedka Galmudug. Colaaddu ma aha oo kaliya mid sababaysa dhibaato bini’aadanimo oo ku dhacda dadka deegaanka, ee waxay sidoo kale tubta ka leexinaysaa hortabinnada degdegga ah ee dhamaystirka hannaanka doorashada iyo la-dagaallanka Al-shabaab”. “Waxaan ugu baaqaynaa dhinacyada dirirtu ka dhaxayso inay si dhakhso leh u joojiyaan dagaalka oo ay wada hadal ku dhameeyaan khilaafkooda. Saaxiibada caalamku waxay diyaar u yihiin inay taageeraan dadaalladaas haddii ay dhinacyadu codsadaan” ayay raacisay. War-saxaafadeedka waxaa wadajir u soo saaray Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Kanada, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur Goboleedka (IGAD), Talyaaniga, Kenya, Jaamacadda Carabta, Netherlands, Norway, Qadar, Suudaan, Iswiidhan, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Ingiriiska, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay. PUNTLAND POST The post Beesha Caalamka oo ka hadashay dagaalka Guriceel appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites