Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho: Wiil Dhalinyaro Ah Oo Toorey Ku Dilay Aabbihii (Dhacdo Naxdin Leh)

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Dhacdo murugo leh ayaa xalay fiidkii hore ka dhacday gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan xafadda Obasiibka ee degmada Wadajir, kadib markii wiil dhalinyaro ah uu Aabihii ku dilay Mindi ama Toorey uu kaga dhuftay dhanka wadnaha.

Marxuumka oo qiyaastii 60 jir ahaa ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cismaan Garboojo, wuxuuna caan ka ahaa suuqa weyn ee degmada Wadajir oo uu ka shaqeysan jiray.

Wararka ayaa sheegaya in wiilka dilka geystay oo isna 20 jir ah uu goobta iskaga baxsaday, kadib falkaasi, waxaana magaciisa lagu sheegay Cabduqaadir Cismaan Garboojo.

Mid ka mid ah raggii ay isla shaqeyn jiray Aabaha la dilay ayaa ka warbixiyey, sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in cisbitaalka loo qaaday, kadibna uu geeriyooday.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu baxsaday wiilka dilka geystay, isaga oo ugu baaqay saraakiisha laamaha ammaanka in gacanta lagu soo dhigo eedeysanaha baxsadka ah.

“Innaa lilaahi waa innaa ileyhi raajicuun mid aan suuqley isla nahay oo Garboojo la dhahaayo oo suuqaas weyn aan wax iskala dhacsaneynay aa wiilkiisa mindi ku dhuftay wiilkiisana waayey,” ayuu yidhi mid ka mid ah ragga ay isla shaqeynayeen marxuumka.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray “Annaga suuqa ayaan joognay taleefoon ayaa naloo soo diray isaga oo cisbitaalka loo qaaday marka laga soo celiyeyna meyd ayuu ahaa wiilkiina waa baxsaday,”.

Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in muddooyinkii lasoo dhaafay uu muran ka dhex jiray qoyska iyo wiilka dilka geystay oo la sheegay inuu lahaa balwad, isla-markaana uu isticmaalayey daraagis, sida ay sheegeen qaar ka mid ah ehellada marxuumka.

Dhacdadan ayaa si weyn la yaab ugu noqotay dadka deegaanka, waxaana guriga marxuumka buux dhaafiyey dadweyne iskaga kala yimid xaafadaha Muqdisho.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this