Sign in to follow this  
Deeq A.

Dib U Xasuuso Maanta Oo Kale Lix Sanno Ka Hor Iyo Wasiirradii Ugu Badnaa Oo Mar Keliya Is-Casilay Xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Maanta oo kale lix sanno ka hor, waa 26 October 2015 ayay In ka badan laba iyo toban ma’suul oo xilal ka hayay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo iska casilay xilalkii ay ka hayeen xukuumadda Somaliland, kaddib markii ay sheegeen in madaxweynuhu la saftay mid ka mid ah musharaxiintii u tartamayey musharaxnimadda xisbiga kulmiye.

Mas’uuliyiintaa waxaa ka mid ahaa; Wasiirkii Madaxtooyada, Xirsi Cali xaaji Xasan, wasiirkii arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis , Wasiirkii shaqadda iyo arrimaha bulshadda Cabdi Aw Daahir, Wasiirkii Cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid, Wasiirkii Hawlaha Guud iyo guriyeynta Cabdirisaaq Khaliif, wasiir ku xigeenkii hawlaha Guud Cali Cabdi Saa’iq, agaasimihii wasaaradda ganacsiga, Wasiir ku xigeenkii shaqadda iyo arrimaha bulshadda, wasiir ku xigeenkii dib u dejinta iyo Afhayeenkii madaxweynaha Axmed Saleebaan Dhuxul.

“Xilka ayey xeerkiisa tahay in aad si xilkasnimo leh u gudato waajibaadkiisa una hagar-baxdo u adeegida danaha qaranka. Waxaan ku qancay inaan si rasmi ah isaga casilo xilkii aan Qaranka u hayay ee wasaarka madaxtooyada muddadii shanta sano iyo dheeraadka ahayd,” ayuu yiri wasiirka Madaxtooyada, Xirsi Cali X. xasan oo ka mid ahaa wasiiradda ugu awoodda badnaaa golaha wasiiradda, isla markaana shanti sano ee madaxweynuhu talinayey aan marna la bedelin.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis ayaa isagana sheegay in markii madaxweynuhu dhinac noqday uu xilkii iska casilay.

Wasiirradan ahaa ayaa ahaa isbahaysi si weyn uga soo horjeeda guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Cabdi oo hadda ah madaxweynaha Somaliland waxa ayna aad u taageersanaayeen Maxamed Biixi oo  uu rabay inuu musharax u noqdo xisbiga kulmiye si uu isna guddoomiyaha xisiga kulmiye u noqdo.

Dad badan oo markii hore dhaliilsanaa ayaa hadda ay si weyn teegeersan tallaabadii ay wakhtigaa qaadeen wasiirradan ka tirsanaa xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, waxaana sannado dhawr ah ka dib bulshada dhexdeeda caan ka noqotay khudbad uu wakhtigaa jeediyay Xirsi Cali Xaaji Xasan oo nuxurkeedu ahaa waxaanu dalka ka badbaadinaynaa hoggaan xumo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this