Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasi Cali Guray oo ka hadlay Fadeexado dul-hoganaya Maayarka Berbera

Recommended Posts

Deeq A.   
FURNAANTA IYO LA XISAABTANKU DAWLAD WANAAGGA AYAY QAYB KA TAHAY
ciddin.jpg
Gartay ee 7 milyan oo loogu deeqay Horumarinta Magaalada Berbera meel ay marayaan mashariicdii loogu talo galay in lagu maalgeliyo halkee ayuu xaalkoodu marayaa? In Golaha Degaanka Berbera ay is waydiiyaan sax baan u arkaa waana loo baahan yahay in dadka reer Berbera iyo guud ahaan Somalilandba wax kala socdaan waana muhiim. Balse sida xaalku yahay hadda cid wax ka sheegtay maan maqlin. Waa imisa mashruuc? maxay kala yihiin? imisa ayaa loo qoondeeyay mashruuc kasta? imisa ayaa dhamaaday? imisa ayaa socda? imisa ayaa qorshaysan oo aan fulintoodu weli bilaabmin? (completed, on going, planned).
Hadii furnaan iyo la xisaabtan (transparency and accountability) ay jirto waa muhiim in Mayorka Berbera uu soo bandhigo si faahfaahsanna uga warbixiyo Weliba warbixin qoraal ah u gudbiyo Golaha Degaanka.
Hadiise ay tahay Maayarku isaga ayaa keligii ku shaqo leh oo xataa Golaha uu Gudoomiyaha u yahay xaq uma laha in ay wax ka waydiiyaan yaa xaq ugu leh in uu u warbixiyo ee kale? Ma Madaxtooyada oo keliya? Taasi waa sheeko kale nidaamka dawladnimadana way ku xun tahay ee kuma fiicna

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this