Deeq A. Posted October 26, 2021 Waa kumaa ninka la wareegay talada dalka Suudaan? Sareeya gaas Abdel Fattah Abdelrahman Burhan oo la dhaarinayo Sarkaalka ugu sarreeya ciidamada militariga Sudan, Cabdul fataax Cabdelraxman Burhan, ayaa ku dhawaaqay in dowladda iyo golaha Wasiirada la kala diray, ka dib afgembigii saaka dhacay. Wuxuu hadal ka jeediyay telefishinka qaranka. Sareeya gaas Cabdil fataax Al-Burhan ayaa sidoo kale ka mid ahaa saraakiihii hoggaaminayay afgembigii xilka looga tuuray madaxweynihii hore ee dalkaas, Cumar Xasan al-Bashiir. Waa kumaa Abdel Fattah Abdelrahman Burhan? Cabdil Fataax Al-Burhaan wuxuu noqday madaxweynaha golihii ku meelgaarka ahaa ee militariga ay sameeyeen ka dib markii Al-Bashiir xilka laga tuuray. Wuxuu shaqadaas kala wareegay wasiirkii difaaca Janaraal Cawad Ibn Cawf, kaas oo xilka ka degay ka dib hal-maalin oo uu hayay. Wuxuuna hoggaaminayay saraakiishii xilka ka tuuray Al-Bashiir, madaxweynihii hore ee Sudan. Ibnu Cawf, ayaa bishii April ee 2019-kii shaaciyay in uu Cabdil fataax Al-Burhan, u xushay in xilka uu ku wareejiyo, waxayna ahayd tallaabo ay dadka oo dhan soo dhoweeyeen. Wuxuu markaas noqday Taliyaha Militariga. Sida ay qortay wakaladda wararka ee Anadolu Agency, Sareeya Gaas Cabdi Fataax Burhan wuxuu dhashay sannadka 1960-kii wuxuuna ku dhashay tuulada Kundato oo ku taallo wabiga Niil. Burhaan oo ah sargaal militari isla-markaana in badan siyaasadda ku soo jiray wuxuu hadda si ku meel gaar ah u hayaa guddoomiyaha golaha militariga Suudaan oo talada kala wareegay madaxweynihi hore Cumar Xasan al-Bashiir. Ninkan oo dhashay sannadkii 1960, wuxuu ka mid ahaa ciidamada ilaalada xuddudaha Suudaan kaddibna waxaa loo magacaabay madaxa arrimaha militariga ee Safaaradda Suudaan ay ku leedahay dalka Shiinaha. Intaa ka gadal wuxuu Burhaan noqday taliyaha ciidamada ilaalada xudduudaha Suudaan, wuxuuna markiba u sii dallacy taliyaha ciidamada dhulka Suudaan. Sareeya gaas Abdel Fattah Abdelrahman Burhan Wuxuuna tababara militari uu ka soo noqday dugsiga tababarka ciidamada oo ku yaalla bariga dalka Suudaan, wuxuuna taliya u soo noqday ciidamada Suudaan ee dagaalka kula jiray jabhadda SPLA ee ka dagaallameysay Suudaanta Koonfureed 2011-kii xorriyadda intii aysan qaadan ka hor. Madaxweynihi hore ee Suudaan Cumar Xasan al-Bashiir ayaa la kulmay mudaharaadyo xooggan oo xukunkiisa looga soo horjeeda, wuxuuna al-Bashiir uu isku shaandheyn uu ku sameeyey ciidamadiisa. Bisha Fabraayo 26-keedi ayaa Burhaan markale loo magacaabay taliyaha guud ee ciidamada dhulka ee dalka Suudaan. Waxaana xusid mudan, Burhaan inuu ka mid ahaa seddexda sargaal ee iclaamisay in al-Bashiir xilka laga tuuray. Sareeya gaas Abdel Fattah Abdelrahman Burhan Burhaan xilli uu hoggaaminayey ciidamada Suudaan ee ku sugan Yemen wuxuu dhawr jeer booqasho uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta. Dad aad ugu dhaw Burhaan waxay sheegayaan inuu wax xiriir ah uu la lahayn ururrada diimaha iyo kuwa siyaasadeed midna. Waxaa kale oo ay sheegeen inuu yahay sargaalka keli ah ee ay maxkamadda dambiyda dagaalka calaamiga ay wax dacwad ah u haysanin. Wasiirka Gaashaandhigga Cawad Ibn Cawf, oo khudabad soo jeediyey 11-ka April xilliga ay ciidamda talda Suudaan la wareegeen wuxuu sheegay iney ciidamada talada dalka Suudan la wareegay ay u billaabatay 2 sano oo dowlad ku meel gaar ah oo ay xilka soo hayn doonaan. Hase yeeshee, Ibnu Cawf ayaa saacado kaddib xilka iska casilay isaga oo sheegay inuu xilka ku wareejinayo Burhaan kaddibna xilka la wareegay loona dhaariyey. Burhaan waxaa uu beddelay Cawad Maxamed Axmed Bin Cawf oo ahaa wasiirka gaashaandhigga dalka Suudaan. Sareeya gaas Abdel Fattah Abdelrahman Burhan oo mudahradyaasha la hadlaya Qaran News Share this post Link to post Share on other sites