Sign in to follow this  
Deeq A.

Wefti ka socda Somaliland oo la kulmay Wasiirka Beeraha Kenya+Arimahay ka wadahadleen

Recommended Posts

Deeq A.   

Wefti ka socda Somaliland oo la kulmay Wasiirka Beeraha Kenya+Arimahay ka wadahadleen

wefti-1.jpg
Dhinacyadii kulmay oo sawir guud wada galey

Wasiirka beeraha Kenya, Peter Munya, ayaa qaabilay wafdi ka socda jamhuuriyadda Somaliland, oo uu horkacayo wasiirka arrimaha dibadda, Ciise Kayd.

Labada dhinac ayaa ka wada hadley sida uu bartiisa twitter-ka soo dhigey wasiir Peter, iskaashiga waxyaabo badan sida xoolaha, ka ganacsiga Qaadka iyo wax soo saar kale oo la xidhiidha dhanka Beeraha.

Sidoo kale, wefdiga Somaliland, ayaa la kulmey jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan dalka Kenya.

Peter Munya, ayaa kasoo jeeda gobolka uu ka baxo Qaadka, isagoo intaanu noqon wasiirka guddoomiye gobol ka ahaan jirey ismaamulka Meru.

Met a Delegation from the Republic of Somaliland led by Minister of Foreign Affairs Hon. Kayd Essa. Our deliberations majored on various issues of collaboration which include opening up and enhancing trade lines for Miraa, Livestock and other agricultural related products. pic.twitter.com/JXFdis4Ii1

— CS Hon. Peter Munya (@PeterMunya) October 25, 2021

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this