Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Afrika oo ku baaqay in la sii daayo ra’iisal wasaarihii dalka Suudaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha  Midowga Africa, ayaa walaac ka muujiyay waddanka Suudaan kadib markii ciidamada Milaterigu la wareegeen xukunka dalka.

Guddoomiyaha Africa Muuse Faki ayaa ku baaqay in la sii daayo ra’iisal wasaare Cabdullaahi Xamduuk iyo  dhammaan mas’uuliyiintii la xiray.

Bayaan kasoo baxay Midowga Africa ayaa looga baaqay Milateriga in ay ixtiraamo u muujiyaan heshiisyadii hore loo galay iyo xuquuqda siyaasiyiinta.

Bayaanka ayaa intaas ku daray, in wada hadal lagu dhammeeyo dhammaan waxa la isku khilaafsanyahay si loo ilaaliyo dimuquraadiyada xilliga kala guurka ah ee dalka Suudaan.

PUNTLAND POST

The post Midowga Afrika oo ku baaqay in la sii daayo ra’iisal wasaarihii dalka Suudaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this