Deeq A. Posted October 25, 2021 Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweysay doorashada qof iyo cod ee maanta ka dhacday saddexda degmo Qardho, Eyl iyo Ufeyn ee Puntland. Qaramada Midoobay waxay sheegtay in doorashooyinka ‘hal qof iyo hal cod’ ee ka dhacay Qardho, Eyl iyo Ufeyn ay muujineyso suurtogalnimada doorashooyin codbixin heer deegaan, heer dowlad goboleed iyo heer qaran oo dalka ka dhaca. War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska siyaasadda Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNSOM ayaa lagu yiri “Wakiillo ka socda Qaramada Midoobay ayaa maanta booqday Qardho si ay u muujiyaan sida ay u garab taagan yihiin dadka reer Puntland iyadoo muwaadiniintu ka qaybgaleen geeddi socodka doorashada ‘hal qof iyo hal cod’ ee saddex degmo oo ka tirsan Dowladaha Xubinta ka ah Dowladda Federaalka”. “Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay rumeysan tahay in doorashooyinka ‘hal qof iyo hal cod’ ee ka dhacay Qardho, Eyl iyo Ufeyn oo guul lagu soo gabagabeeyay ay noqon doonto tallaabo muhiim ah oo muujineysa suurtogalnimada doorashooyin guud ee codbixinta heer deegaan, heer dowlad goboleed iyo heer qaran ee guud ahaan dalka” ayaa la raaciyay war-saxaafadeedka. War-saxaafadeedka ayaa lagu soo gabagabeeyay “Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ku bogaadinaysaa Guddiga Ku -meelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), dowladda iyo shacabka Puntland sida ay uga go’an tahay qabashada doorasho toos ah, sida ku cad Dastuurka Puntland”. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo ka hadashay doorashada Puntland appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites