Deeq A. Posted October 25, 2021 Goobihii cod-bixinta doorashada degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ayaa goordhaweyd soo xirmay, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre. Guddoomiye Guuleed ayaa sheegay in labo goobood oo Qardho ka tirsan weli lagu jiro safka codeynta, hase ahaatee 52 goobood ee kale la soo gabagabeeyay. Sidoo kale Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa sheegay in ay bilaabayaan tirinta codadka laga dhiibtay saddexda degmo. Natiijada doorashada saddexda degmo ee Pumtland ayaa soo bixi karta ilaa berri, sida la saadaalinayo. PUNTLAND POST The post Puntland: Goobihii cod-bixinta doorashada oo soo xirmay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites