Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Siciid Deni oo hadal kooban u jeediyay shacabka codaynaya

Recommended Posts

Deeq A.   
vlcsnap-2021-10-25-04h20m40s692.png?resi

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo hadal kooban shacabka uga jeediyay Telefishinka dowladda, ayaa ka hadlay sida ay u socoto doorashada qof iyo cod ee saddexda degmo.

Madaxweyne Siciid Deni, ayaa sheegay in ay si habsami leh u socoto doorashada, islamarkaana saacado kooban ka harsan yihiin wakhtiga ay ku egtahay codaynta.

Madaxweynaha ayaa ku boorriyay dadka ka codaynaya saddexda degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufayn in ay dulqaad muujiyaan wakhtiga kooban ee harsan, ayna si dhammaystiran uga qayb-qaataan doorashada.

Halkaan ka daawo hadalkiisa

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Siciid Deni oo hadal kooban u jeediyay shacabka codaynaya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this