Deeq A. Posted October 25, 2021 “Haddii uu Xataa Suldaan Xasan Maqan Yahey, Ma aha Ka Kursigiisa Ku Fadhiisanaya, Waxaa Sameeyay Muuse Biixi Laakiin Taariikh Xumo Ayey u Noqonaysaa Isaga iyo Ubadkiisaba” Odey Xasan Cabdilaahi. Kadib Markii Caasimada Hargeysa, Lagu soo dhaweeyay Ugaaska Guud ee Beesha Ciise Ugaas Mustafe Ibraahim, islmarkaana lagu Maamuusey Qado Sharaf loogu Sameeyay Huteelka Garand Haddi ee isla Magaalada Hargeysa, Waxaa Mikrafoonka lagu Soo dhaweeyay, Maxamed Case, oo ay Ilmaadeer yihiin Suldaanka Guud ee Beesha Gabiley Clan Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye, Kaas oo Sanado imika Mudo Kasoo Wareegtay, Si aan Sax aheyn Loogu Cumaamaday ee Magaalada Hargeysa. Haddaba Qabiilada kasoo jeeda Beesha Gabiley Clan, ayaa labadii Maalmood ee Lasoo dhaafay, Si aad ah uga Xanaaqey Talaabada ka Dhacdey Huteelka Garand Haddi, iyadoo aan Lagu Raali galinayn Suldaanka Guud ee Beesha Gabiley Clan laakiin haddana ay Foolxumo iyo Wax lagq Xumaado tahey arinta Magaca Suldaan Xasan ee Beesha uu Sharafteeda iyo Kadaamadeeda Huwan yahay, isagoo Nool Maalin Walba nin Inaadeerkii ah oo aan Xataa Dhaxalkiisa lahayni sheegto, isagoo madal Xaflad ah ka hadlaya, ama.lagu soo dhaweynayo Ugaas Guud, Suldaan Guud iyo Wixii la halmaala, Taas oo Sida Aragtida Dadweynuhu u badan Tahey ay Waajib aheyd, in Xukuumadu Talaabo Ka qaado, Waliba Madaxweynuhu Xidho Maadaama isaguna kasoo jeedo Beesha iyo Magaca Suldaanka ee uu ka Been abuuranayo. Inkastoo, Dadka intiisa badani Sheegayaan in Maxamed-case ay Wada jir Cumaamada u Saareen Madaxweynaha Qaranka Muuse Biixi Cabdi iyo oday Xasan Cali Weyd, Wakhtigaas oo ku Beegnayd Mar ay Taagnayd Xaajo Khilaaf ah oo Suldaan Xasan iyo Madaxweyne Muuse u dhaxaysay, Wakhtiyadii uu Murashaxa Jagada Madaxweyne ahaa laakiin Markii Dambe la dhameeyay. “Haddii uu Xataa Suldaan Xasan Maqan Yahey, Ma aha Ka Kursigiisa Ku Fadhiisanaya, Waxaa Sameeyay Muuse Biixi Laakiin Taariikh Xumo Ayey u Noqonaysaa Isaga iyo Ubadkiisaba” Sidaa Waxa Yidhi Odey Xasan Cabdilaahi oo kasoo jeeda Beesha Awal Bari, islmarakaana kamid ah Dadka Sida gaarka ah uga Xanaaqay Talaabadii dhawaan ka dhacdey Huteelka Garand Haddi ee Magaalada Hargeysa. Geesta Kale, Wali Suldaanka Guud ee Beesha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye Garaad Boon, ayaa isagu Wali ka hadlin dhacdadan uu Ku Dhaqaaqay Suldaan Gacan-Ku rimis ah oo ay Beeshu Kasoo horjeedo guud ahaanba Habdhaqankiisa Marka laga Reebo Madaxweynaha iyo odaygiisa Xasan Cali Weyd. w/q wariye Cabdiraxmaan Hiiraan Source Share this post Link to post Share on other sites