Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno horey xilal kala duwan uga soo qabtay Dawlad-degaanka Soomaalida oo Cabdillaahi Itoobiya ku jiro oo Xabsiga Jigjiga laga siidaayay+Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Xubno horey xilal kala duwan uga soo qabtay Dawlad-degaanka Soomaalida oo Cabdillaahi Itoobiya ku jiro oo Xabsiga Jigjiga laga siidaayay+Sababtawhatsapp sharing button

email sharing button
 20211023637705935276164143.jpg

Wararka naga soo gaadhaya dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in xabsiga magaalada Jigjiga laga sii daayay siyaasiyiin hore oo muddo ku xidhnaa magaalada Jigjiga.

Siyaasiyiintan maanta la siidaayay ayaa qaar kamid ah waxay horey xilal kala duwan uga soo qabteen dowlad degaanka Soomaalida, waxaana ka mid ahaa ragga xilalka ka soo qabtay degaanka, Cabdulaahi Itoobiya oo madaxwayne ka soo maray dowlad degaanka Soomaalida.

Haddaba siyaasiyiinta maanta la siidaayay ayaa waxay kala ahaayeen:-
1: C/Fataax Maxamuud
2: C/laahi Itoobiya
3: Cabdi Kuus
4: Cabdiwahaab

5: C/fataax Sulub

Siidaynta raggan ayaa waxaa soo dhaweeyay dhammaan shacabka ku dhaqan dowlad degaanka Soomaalida, waxayna siidayntoodu kusoo beegmaysaa xilli degaanka isbaddal laga sameeyay, lagana hirgaliyay dowlad cusub oo ay shacabku soo dhaweeyeen.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this