Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiiro ka tirsan Xukuumada Somaliland booqasho ku tagay Xarumaha Dawlada ee ku yaala Magaalada Laascaanood Qaarkood

Recommended Posts

Deeq A.   
Wasiiro ka tirsan Xukuumada Somaliland booqasho ku tagay Xarumaha Dawlada ee ku yaala Magaalada Laascaanood Qaarkood
Wasiiro ka tirsan Xukuumada Somaliland ayaa maanta booqasho ku tagay qaar ka mid ah Xarumaha Dawlada ee ku yaala Magaalada Laascaanood gaar ahaana Xarumaha Wasaaradaha Waxbarashada iyo Cadaalada, waxaanay halkaasi warbixino kaga dhagaysteen Isuduwayaasha Wasaaradahaasi iyo sida ay ugu adeegaan shacabka.
Wasiiradan ayaa hore u booqday Xarumaha kale ee dawlada iyaga oo u kuurgalayay sida hawlwadeenadaasi Dawladu ugu adeegaan shacabka ku dhaqan Gobolka Sool.
Wasiiradan oo ka koobnaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka C/risaaq Ibraahim Maxamed (Ataash), Wasiirka Xanaanada Xoolaha Siciid Sulub Maxamed iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada ayaa waxa booqashadani ku wehelinayay Maamulka Gobolka Sool.
248078661_415804626844903_81239772455896
248390710_415804666844899_38986131367960
248234921_415804710178228_41192338909021
248361405_415804753511557_38077163602325

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this