Deeq A. Posted October 23, 2021 Dhul gariir ayaa laga dareemay Magaalada Boorama saaka abaaro 7:07 subaxnimo. Xoghayaha Gobolka Awdal Mustafe Cabdi ayaa Wakaaladda Wararka ee SOLNA u sheegay in gariirkani uu ahaa kii ugu weynaa ee muddo sannado ah soo mara Boorame, waxaanu tilmaamay inuu cabsi badan ku riday shacbiga Magaalada. Gariirkan ayaa la sheegay in aan ilaa inta la ogyahay geysan wax khasaare ah, hase ahaatee uu guryo ciid ka soo daadiyey Siliiga Guryaha. Source Share this post Link to post Share on other sites