Sign in to follow this  
Deeq A.

Shanta Magaalo ee ugu Nabdoon Caalamka+Teebaad degan tahay

Recommended Posts

Deeq A.   

Shanta Magaalo ee ugu Nabdoon Caalamka+Teebaad degan tahay

.

Kadib saameynta ka dhalatay cudurka Covid-19 waxay noqotay in laga fakaro badaqabka iyo aminga magaalooyinka adduunka si uusan kuugu dhicin cudurka Covid-19.

Magaalooyinka adduunka ayaa heegan u galay waxka qabshada caafimaadka iyo xoojinta amniga, waxaana halkan idiin kuugu soo gudbineynaa qaar kamid ah magaalooyinka ugu nabdoon caalamka, sida uu qortay warbaahinta The Economis.

Waxaana magaalooyinkan lagu soo xushay horumarada ay ka gaareen dhinaca kaabayaasha dhaqaale, nolosha casriga ah, amniga, ilaalinta deegaanka iyo xoojinta arrimaha caafimaadka.

Copenhagen

Copenhagen'
Copenhagen

Magaalada Copenhagen ee caasimadda Denmark ayaa noqotay magaalada ugu nabddoon adduunka, waxaana magaalada si weyn looga shaqeeyay ilaalinta bilicda deegaanka gaar ahaan xakameynta wasakhda iyo ka shaqeynta caafimaadka dadweynaha.

“Dhul doogga ah ee cagaaran ay biyo maraan waxaa xilliggii samfarka soo buux dhaafiyay dad badan, shacabka Copenhagen si weyn ayay u tamashleynayeen halkaas, waana goob hawo nadiif ah leh” ayuu yiri Asbjørn Overgaard, oo ah madax hay’ad aan dowli aheyn oo la yiraahdo Copenhagen Capacity.

Sidoo kale magaaladan waxay ka shaqeysaa ka hortagga cudurka Covid-19 iyadoo dowladda hoose ay dhaqangelisay barnaamij ballaaran oo lagu baarayo dadweynaha, xitaa dadka dalxiisayaasha ah si bilaash ah ayaa lagu baaraya.

Si dadweynaha ay u helaan deegaan ka shaqeynayo badqabkooda iyo ka hortagga musuq maasuqa si shacabka dalkaas ay u aaminaan dowladda xilligga safmarka.

Toronto

Toronto
Toronto

Waa magaalada labaad ee ugu nabdoon caalamka marka la fiiriyo amniga kaabayaasha iyo deegaanka.

Waxaana halkan ka socdaa ololaha lagu gaaro dhammaan bulshooyinka marka ay timaaddo wecyigelinta tallaalka iyo qaadashadiisa.

Farida Talaat oo kamid ah dadka deggan magaalada ayaa sheegtay in Toronto laga bilaabay barnaamijyo dhowr ah oo lagu tallaalayo dadka si magaalada ay u noqoto mid nabdoon.

Dadka ku nool halkan waxay dareemayaan inay heystaan amni buuxa maadamada magaalada ay taariikh ku leedahay isdhaxgalka dadyowga kala duwan.

“Waxaa Canada ka jira dad qabaa’ilo badan oo dhaqamo kala duwan ka kala soo jeeda oo isdhexgal sameeyay dad halkan kuma noola cabsi” ayuu Filipe Vernaza, oo ku noola Toronto tan iyo 1998.

Singapore

Singapore
Singapore

Waxay magaaladan horumar ka gaartay amniga dhanka digital-ka, kaabayaashada iyo caafimaadka.

Singapore waxay aheyd magaalo si xowli ah ku socota maalmihii u bilaabanayay cudurka Covid-19, waxaa halkan laga bilaabay dhaqdhaqaaq dusha lagala soconaya shakhsiyaadka uu ku dhaco cudurka.

Wuxuu dalkan kamid yahay dalalka ugu badan caalamka tirada dadka ugu badan tallaalay booqolkiiba 80 dadkiisa ayuu tallaalka gaarsiiyay.

“Dadka inta aysan gelin dhismayaasha ama xurmaha kale waxaa looga baahan yahay in gacantooda ay saaraan adeeg teleefoonka ku rakiban ama qalab kale si badqabkooda loola socdo” ayuu yiri Sam Lee, oo ah dadka deggan Singapore.

Sydney

Dalka Australia wuxuu kamid noqday dalalkii ugu horreeyay ee xiray xudduudaha xilliggii uu cudurka saameynta ba’an ku hayay caalamka.

Sydney waxay ku horumartay amniga dhanka digital-ka iyo ka hortagga weerarada internetka iyo amni darrada.

Magaalada waxay xoojisay qorshe caaqil ah oo casri ah oo lagu la soconayo dhaqdhaqaaqa amniga, gaadiidka, nalalka waddooyinka lagu dhajiyay iyo kameerooyinka la socda amniga.

Tokyo

Waana magaalada shanaad ee ugu amniga badan caalamka, maamulka ayaa qaaday tallaabooyin lagu xoojinayo badqabka shacabka xilliggii safmarka waxaana kamid ah in boqolkiiba 60 tallaalka la gaarsiiyay shacabka.

Waxaana si weyn u horumarsan amniga gaadiidka iyo waddooyinka Tokyo.

Maamulka Tokyo wuxuu sameeyay barnaamij dadweynaha ay kaga qeybqaadanayaan amniga si looga hortaggo falal dambiyeedka isla markaana shacabka ay u dareemaan mas’uuliyadda ka hortagga amni darrada.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this