Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo Suuriya ku dilay hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Al-Qaacida

Recommended Posts

Deeq A.   

Militariga Mareykanka ayaa dilay Cabdul Xamiid Al-Matar  oo ahaa hogaamiye sare oo ka tirsanaa Al-Qaacida, kadib duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Siiriya, sida uu sheegay afhayeenka taliska dhexe ee Mareykanka.

Duqayntan ayaa imanaysa laba maalmood ka dib markii la tilmaamay in kooxda Al-qaacida ay weerareen fariisin mileteri oo Maraykanku ku lahaa koonfurta dalka Suuriya.

Ma jiro khasaare kale oo la ogyahay oo ka dhashay duqeynta diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Droniska  ayuu yiri Afhayeen u hadlay Pemtagoonka , isaga oo intaas ku daray in la adeegsaday diyaarad nuuceedu yahay MQ-9.

Bishii Sebtembar, Pentagon-ka ayaa sidoo kale weerar ku qaaday waqooyi-galbeed Suuriya oo ay maamulaan kooxaha  fallaagadu, waxaana lagu dilay hoggaamiye kale oo sare oo ka tirsan Al-Qaacida, kaas oo lagu magacaabi jiray Salim Abu-Ahmad.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo Suuriya ku dilay hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Al-Qaacida appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this