Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug oo si rasmiya u shaacisay in Ahlusunna laga saaray magaalada Guriceel

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in ay Xoogagga Ahlusunna ka qabsadeen magaalada Guriceel, kadib dagaal culus oo maanta halkaas ka dhacay.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa Galabta Warbaahinta u sheegay in Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug si rasmiya gacanta ugu dhigeen Guriceel, islamarkaana ka saareen Xoogagga Ahlusunna.

Wasiirka ayaa sheegay in maxaabiis Arday ah oo laga soo ururiyay dugsiyada Qur’aanka laga qabtay Ahlusunna, wuxuuna Saraakiisha Ciidamada ugu baaqay in si wanaagsan loola dhaqmo maxaabiista.

Sidoo kale, wuxu sheegay in ay weli ku raad-joogaan Hoggaanka Ahlusunna oo sida uu xusay tallaabada ku habboon laga qaadi doono.

Halkaan ka daawo Hadalka Wasiirka

PUNTLAND POST

The post Galmudug oo si rasmiya u shaacisay in Ahlusunna laga saaray magaalada Guriceel appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this