Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Somaliland oo lagu dilay Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
Marxuum.jpg?resize=526%2C533&ssl=1

Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay sarkaal ka tirsan Ciidamada Somaliland.

Sarkaalkaas oo lagu magacaabi jiray Xaaji Cabdi Maxamed oo ka tirsanaa ciidanka RRU ayaa lagu toogtay bartamaha Laascaanood sida ay xaqiijiyeen goob-joogayaal.

Lama sheegin weli cid loo qabtay dilka islamarkaana ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda falkaas.

Dilkiisa ayaa ku soo beegmay xilli Somaliland sheegtay in ay xaqiijisay Amniga Laascaanood kadib markii laga raafay dadka ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Sarkaal ka tirsan Ciidamada Somaliland oo lagu dilay Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this