Sign in to follow this  
Deeq A.

4 Sanno Kaddib Ballan-qaadkii KULMIYE Maxaa Ka Fulay? Dhisamaha 5 Cusbitaal Iyo Daawo Bilaasha !

Recommended Posts

Deeq A.   

4 sano kaddib ballan qaadkii KULMIYE maxaa ka fulay ?

Dhisamaha 5 Cusbitaal iyo Daawo bilaasha !

Waxa qoray Maxamed Sidiiq Dhamme, Xoghayaha Arrimaha bulshada ee Xisbiga Waddani.

  1. Dhammaan Cusbitaalada dawladda adeega daawadu waa lacag, waxaanay ka qiimo tahay dawada suuqa lagu iibiyo, muddo xileedkaa sii dhammaanaya weli adeegaa dawo ee bilaasha ah ma hir gelin bulashadana sidii ayuu u saaran yahay culayskii dawadu ballanqaadkaasi ma fulin.
  2. 5 Cusbitaal ee Xisbiga KULMIYE ballan qaaday 2017 weli lama hirgelin, Cusbitaalada dawladu waa intii jirtay ee uu ugu yimi Madaxweynaha hadda, tayo ahaan waxba laguma kordhin sidii ayaa bulshadu u tagtaa Cusbitaalada gaarka ah iyo kuwa dibadda.
  3. Cusbitaalka guud ee Hargeysa wuxuu marayaa maanta meel liidata adeeg ahaan, wuxuu ku jiraa deyn badan, adeegyo cusub laguma soo kordhin, dawada, golfiska, siriijka iyo adeeguba waa lacag, ballanqaadkii KULMIYE ee 2017 in laga dhigo Cusbitaal casriya ma hirgelin ee wuu fashiomay.
  4. Xannaanooyinka laga dhisay cashuurta weli maybgaadhin konton, waxay u badan yihiin xannaanoyinka jiraa qaar haayadondhiseen.
  5. Xisbiga KULMIYE wuxuu ballan qaaday in gaadiidka gurmadka caafimaadka gaadhsiin doono 200, Tusaale ahaan Cusbitaalka Guud ee Hargaysa waxa yaal 1 Ambalunce oo GT ah iyo 3 haayado keeneen oo aan lahayn calaamada GT gobolada dalkuna way ka liitaan caasimadda.
  6. Xisbiga KULMIYE barnaamijkiisa waxa lagu ballan qaaday in la abuurayo waaxda maamulka iyo maaraynta gaadiidka gurmadka caafimaadka lama samayn illaa hadda waaxda la ballan qaaday.
  7. Xisbiga KULMIYE barnaamijkiisa waxa kagu ballanqaaday in xukuumaddu bixin doonto tallalada cudurada dilaaga ah, weli hal tallaal oo bilaasha ah lama bixin lamana hirgelin barnaamijkaa.

8.Illaa hadda waxa tallaalka inga caawiya haayadaha ay ka midka tahay UNICEF ma jiro tallaal bilaasha oo xukuumaddu hirgakisay, carruurta Somaliland 67% wax talaala ma qabaan.

FB_IMG_1634811612072-580x1024.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this