Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaari dameero badeecad u waday Waajid oo la gubay iyo Rooble oo ka hadlay

Recommended Posts

Deeq A.   
1-1-1.jpg?resize=720%2C540&ssl=1


Al-shabaab ayaa la sheegay in ay gubeen ilaa 7 gaari dameer oo badeecooyin u waday degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Waxaana halkaas markii dambe dagaalka ku dhexmaray ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab, kaas oo aan si rasmi loo ogayn khasaaraha ka dhashay.

3-12.jpg?resize=720%2C960&ssl=1

Degmada Waajid oo ka tirsan maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya waxaana hadda gacanta ku haya ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa muddo sanado ah go’doomiyey gobolka Bakool, waxayna dhowr jeer oo hore dhacday in gaadiid raashin u waday degmooyinka gobolkaas.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa cambaareeyay dhacdada lagu gubay badeecooyinka ay la haayeen ganacsato Soomaaliyeed, wuxuuna ammaanay ciidammada dowladda ee u gurmaday dhibbaneyaasha.

FB_IMG_16347351543195891.jpg?resize=715%

Ra’iisul Waasre Rooble ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “waxaan cambaareynayaa aadna uga xumahay falka arxan darrada iyo burcadnimada ah ee argagixisada Alshabaab ku gubeen raashin iyo hanti ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool”.

“Waxay tani tusaale u tahay in kooxdani meesha ugu fog ka gaartay naxariis darrida iyo u turid la’aanta dadka iyo xayawaankaba, falalka noocan ahna waxay soo taxnaayeen sanado badan oo ay kooxdu go’doomin ku haysay Waajid iyo deegaanno kale” ayuu qoraalia raaciyay.

Rooble ayaa qoraalka ku soo gabagabeeyay “waxaan ammaanayaa Ciidammada Xoogga ee u gurmaday dhibbaneyaasha. Waxaa nala gudboon in aan meel uga soo wada jeesanno cadowgan nolosha u diiddan dadkeenna”.

PUNTLAND POST

The post Gaari dameero badeecad u waday Waajid oo la gubay iyo Rooble oo ka hadlay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this