Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddigii uu magacaabay ROOBLE oo war soo saaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga xaqiijinta qoondada haweenka oo uu horey u magacaabay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa war cusub kasoo saaray doorashooyinka billowday, gaar ahaan tan xildhibaanada baarlamaanka federaalka Somalia.

Guddoomiyaha guddigan Batuulo Sheekh Axmed Gaballe oo wareysi siisay laanta afka Soomaaliga ah ee BBC ayaa sheegtay in doorashada ay si tartiib tartiib ah ku socoto, isla-markaana ay weli qabyo tahay qoondada loo xiray haweenka oo aheyd in la gaarsiiyo 30%.

Sababta ayaa waxa ay ku sheegtay in kuraasta ay ku badan yihiin ragga musharixiinta ah, sida ay hadalka u dhigtay.

“Waa soo baxay lambarkii aan tiro ahaan sugeynay, inkastoo aynan buuxineynin boqolkiiba sodonkii, waayo kuraasta ayaa waxa ay aheyd kuraas ay ragga u badan yihiin, marka waa ay ka hooseysaa 30%,” ayey tiri Marwo Batuulo Sheekh Axmed Gaballe.

Sidoo kale waxa ay intaasi sii raacisay “Aannaga waan aaminsanahay in arrintaas laga gaari doono natiijo wacan qaabka loo wada shaqeynaayo, ballanta la’isla galay iyo habraaca doorashada loo dajiyey ma siinayo fursad in gabdhaha lagu tunto xuquuqdooda, waana mid ilaalinaayo xuquuqdooda,”

Dhinaca kale waxa ay rajo wanaagsan ka muujisay doorashada Golaha Shacabka ee dhowana la guda-geli doono, waxaana ay shaacisay inay tahay saddexdii kursiba mid iay ku soo baxdo gabar, si loo fuliyo heshiiskii horey looga gaaray qoondada haweenka.

“Waxaan raadineynaa saddexda kursi jufada iska leh inay mid gabar noqoto, haddii jufada keeni weyo gabar in aysan doorashada ka qeyb-galeynin oo iyaga la laayo musharraxiintooda ragga ah,” ayey markale tiri Batuulo Sheekh Axmed Gaballe.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan ay gaba-gabo mareyso doorashada Aqalka Sare ee baarlamaanka, isla-markaana la guda-geli doono mida golaha shacabka.

The post Guddigii uu magacaabay ROOBLE oo war soo saaray appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this