Sign in to follow this  
Deeq A.

Amiir ka tirsan Al-shabaab oo waran lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya Degaanka Xawaadley oo ka tirsan Gobolka Shabeellada dhexe ayaa sheegaya in maanta halkaas lagu dilay mid kamid ah Amiirada Al-shabaab.

Wakaaladda Wararka SONNA ayaa laga soo xigtay in Degaanka Xawaadley lagu dilay Amiirkii Garabka Xisbiyada ee Al-shabaab Muxiyadiin Cali Xaayow.

Nin shacab ah oo ka caraysan ficillada Al-shabaab ayaa sida wararku sheegayaan fuliyay dilka Amiirkaas kadib markii uu waran ku dhuftay.

Garabka Xisbiyada ee Al-shabaab ayaa qaabilsan Canshuuraha xoogga lagaga qaado dadka ku nool dhulka ururkaas ka taliyo.

PUNTLAND POST

The post Amiir ka tirsan Al-shabaab oo waran lagu dilay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this