Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u dambeeyay ee xiisadda Guriceel

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoogagga Ahlusunna iyo Ciidamada Galmudug oo ay weheliyaan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isku hor fadhiya magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada dowladda iyo Daraawiishta Galmudug ayaa saddex jiho ka fadhiya Guriceel halka xoogagga Ahlusunna weli ku sugan yihiin gudaha iyo daafaha magaalada.

Ciidanka Ahlusunna ayaa sida wararku sheegayaan xalay dhaq dhaqaaqyo xooggan ka sameeyay xaafadaha kala duwan ee Guriceel halkaas oo ay difaacyo adag ka dhigteen.

Waxa xusid mudan in maalmihii u dambeeyay dad badan ay ka bara-kaceen Guriceel kadib markii ay korortay xiisadda u dhexaysa Galmudug iyo Ahlusunna.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u dambeeyay ee xiisadda Guriceel appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this