Deeq A. Posted October 18, 2021 Wiil soodaani ah ayaa maqaal cinwaankiisu yahay “Anigu ma tuug baan ahay – Hal annaa xaraami?” , asagoo ka sheekaynaya laba dhacdo oo soo martay xilli uu imtixaan dhakhtarnimada ah ka gelayey dalka Aayarlaand, ku qoray jariirad ka soo baxda dal ka mid dalaka carbeed Dhacdada 1aad:- Waxa uu yidhi wiilku, “Imtixaanka aan ku lahaa Aayarlaand fiigiisu waxa uu ahaa £409.00, waxaanse bixiyey sarif la’aan darteed £410,00. Imtixaankii waan galay, markii aan dhammaystayna waxaan ku soo noqday dalkaygii Soodaan. Ayaamo ka dib ayaa warqadi iiga timi dalka Aayarlaand ay ku qoran tahay: Waad khaldantay markaad bixineysey fiigii imtixaanka oo waxad bixisay £410.00 halkaad ka bixin lahayd £409.00 oo qudha. Sidaa la’ajligeed, Jeeg (cheque) ah £1.00 ayaanu kuu soo dirnay; waxaan xaqayaga ahayn ma qaadano. Jeega £1.00 waxaa ka badnayd lacagta boosta iyo lacagta dabacaada Jeega iyo warqada lagu soo ridey.” Dhacdada 2aad:- Waxa uu yidhi wiilku, “Dukaan yar oo gabadhi haysatay oo ku yaal meel u dhaxaysa halkaan u hoyan jirey iyo kuliyadaan imtixaanka ku lahaa ayaan Kaakaw (Cacao) ka iibsan jirey uu midhka sicirkiisu ahaa 18 pence. Maalin maalihii aan imtixaanka lahaa ka mid ahayd ayaa waxan Haye (rack’) Hayayaashii dukaanka ka mid ahaa ku arkay Kaakaw xabadiiba sicirka qorani uu ahaa 20 pence, halka Kaakaw yaaley Hayaha hore (first rack) sicirkiisu ahaa 18 pence. Wiilkii waxa uu yidhi, “intoon yaabay, ayaan Gabadhii ku idhi miyuu kala wacan yahay labadan kaakaw?” Markaasay gabadhi tidhi, “Maya, ee waa isku mid, isku dhadhan, isku tayo.” Wiilkii, “Hadaa maxaa kala sicir ka dhigay?” Gabadhii, “Kaakawgii ayaa Najeeriya ka qaali garoobey beryahan dambe, markaa shixnadii dambe sicirkeedii ayaa sare u kacay.” Wiilkii, “oo dadku markaa kaa iibsan maayaan Kaakaw dambe illaa ka hore dhammaado?” Gabadhii, “‘Haa.” Wiilkii, “oo maad isku wada sicir ka dhigtid Kaakawga illayn dadku waxba kalama socdaan Kaakawgii hore iyo ka dambe midna eh?” Gabadhii baa ku tidhi, “Adigu ma tuug baad tahay, inta ay ku soo dhawaatay wiilkii? Maxaa igu kalifaya in aan dadka khiyaameeyo?” Suaashu waxay tahay: Tijaarteena muslimka ahi allaabada ay debeda ka keenaan sidaas oo kale mow iibin karaan oo laba sicir ma ku kala iibin karaan Biibsiga ay debeda ka keenaan ee kala sicirka noqon kara sida ay gabadhaa kaafirada ahi yeeshay? Wadanka Kuuriya, waxa Kuuriyiiinta caado u ah in ay is weydiiyaan da’dooda markay ay arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo siyaasada falan qaynayaan inta aanay isu jawaabin ama ra’yigay ka haystaan arrinta ay ka hadlayaan ama ka dooda yaan aanay cabirin. Dalka Masar, dadka u dhashay ayana waxa caado u ah in ay is weydiyaan shaqadooda (their profession), siday isugu yidhaahdaan: “Yaa baasha sheekadu sidaad mooday maaha – alxikaayah mush kida yaa beeh, saye maa ta’uul.” “Nifaaq iyo khiyaamo waa muslin iyo caadadii.” Soomaaliland dhibta ka haysata dhaqaale xumida, siyaasad xumimida iyo arrimahan bulshada ee had iyo jeer ku wajahan reer hebel reer hebel ka horgee sidaad moodeysaan maaha. Bal qab-yaaladan iyo qabiilkan ‘Jookarka noqday” u fiirsada. Bal siyaasiyiin ku-sheegan maalinba xisbi la eefaya lana ooyaya u fiirsada dadyahaw. By: Jamafalaag Hargeisa, Somaliland Qaran News Share this post Link to post Share on other sites