Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Ingiriiska Oo Su’aalo Weydiinaya Aabbaha Dhalay Cali Xarbi Oo Loo Haysto Dilka Xildhibaan British Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Booliska Britain ayaa su’aalo weydiiyay aabbaha ninka tuhunka laga qabo inuu dilay xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Britain Xarbi Cali Kullane, oo 61 jir ah.

Xarbi Cali Kulane oo hore u soo noqday afhayeenkii warbaahinta raysal Wasaaraha Soomaaliya, kaasoo degen magaalada London iyo Nairobi.

Wuxuu xaqiijiyay in wiilkiisa uu ku jiro gacanta booliiska wuxuuna sheegay inuu ka argagaxay xadhiga wiilkiisa.

Xarbi Kulanne ayaa u sheegay The Sunday Times: ‘Aad ayaan u dareemayaa argagax. Ma aha wax aan filayay ama weligay ku riyoon jiray”.

Wararka waxa ay sheegayaan in uu hadda u joogay Xarbi Kulane UK arrimo caafimaad awgiis xaalad wadnaha ah oo ku jiro cisbitaalka Bart.

Sidoo kale Booliiska Ingiriiska ayaa baadhitaan ku sameeyay gurigii uu ku noolaa carruurnimadiisa ninka lagu tuhunsan yahay inuu dilay Xildhibaan David Amess. Saraakiisha ayaa baadhay guriga oo ku yaalla waddo ku taalla Croydon, koonfurta London.

Booliisku ayaa weerarkii ka dhacay Essex imika u baadhaya sidii dhacdo argagixiso, oo laga yaabo inay la xidhiidhto xagjirnimada Islaamiyiinta.

Dhanka kale, waxaa socday baroor-diiq loo sameynayo xildhibaanka la dilay iyada oo shumacyo la dhigayo halkii uu weerarku ka dhacay, si loo xusuusto noloshii Sir David.

Wuxuu Cali Xarbi  ku xidhan yahay imika Saldhigga Boliska ee Essex, halkaasi oo ay Su’aalo ku waydiin doonaan waaxda booliiska ee ka hortagga Argagixisada

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this