Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Rooble oo shaaciyay xilliga ay bilaabanayso doorashada Golaha Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in waqtiga ugu dhow ama todobaadka soo socda ay bilaaban doonto doorashada Aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka gaar ahaan kuwa Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Rooble oo xalay ka hadlayay kulan soo dhaweyn ah oo loo sameeyay Ergadii Soomaaliya ee kiiska Badda ayaa sheegay in siyaasiyiinta Sar sare ee Gobolada Waqooyi uu kala hadlay arrinta doorashada Golaha Shacabka, isla markaana uu ka dalbaday inay dedejiyaan.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in habeen kasta uu ku duceysto in doorashada ay u soo geba-gabowdo, iyada oo aysan cidna xag-xageyn, cidna waxba u dhimim, sidoo kale aysan jirin cid dhibaato loo geysto.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha waxaa uu sheegay in doorashada Golaha Shacabka ee Somaliland ay daadihin doonaan Guddoomiyaja Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Guuleed loogana dambeyn doono.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Rooble oo shaaciyay xilliga ay bilaabanayso doorashada Golaha Shacabka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this