Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax ka dhacay Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaraxaan ayaa waxaa uu ka dhex dhacay Maqaayad ku taalla gudaha Saldhiga Booliska ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana qaraxa jugtiisa laga maqlay xaafaddo ka tirsan Magaaladaas.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga meelaha fog-fog la geliyay Maqaayad ku dhex taalla Saldhiga Booliska, taasi oo ay fariistaan Saraakiil Ciidan iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa oo soo gaaray Mas’uuliyiin, Saraakiil iyo dad kale ka Agdhawaa Maqaayada, waxaana la xaqiijiyeen inay goobta ku geeriyootay haweeneydii laheyd Maqaayada.

Sidoo kale dadka ku dhaawacmay qaraxa ayaa kamid ah Guddoomiyaha degmada Feer-feer Mahad Maxamed Xasan, Duqa degmadaas Khaliif Garaad Rooble, Taliyaha Booliska Magaalada Baladweyne Maxamed Qoorsheel iyo Askar kale oo ku sugneyd halkaas.

PUNTLAND POST

The post Qarax ka dhacay Beledweyne appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this