Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay Dadka Laga Mustaafuriyay Laascaanood Iyo Ceerigaabo

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Laascaanood)-Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dadka laga soo saaray magaalada Laascaanood iyo nawaaxigeeda ay haatan gaadheen 7,250 qof. Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan xidhiidhinta arrimaha bani’aadminnimada ayaa war qoraal ah  oo uu saaray maanta ku sheegay in 24 qoys oo kale iyagana la dejiyey tuulooyin hoostaga magaalada Buuhoodle

Sida uu sheegay xafiiskaasi, magaalada Ceerigaaba waxa iyadana kasoo barakacay 75 qof oo soo gaadhay Gaalkacayo iyo Baydhaba kadib markii sida la sheegay mas’uuliyiinta degaanku ay u qabteen in dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya ay ku baxaan ilaa 21-ka Oktoobar, sida lagu qoray warbixnta OCHA.

Hay’adaha gargaarku waxay sheegeen in ilaa 400 qoys ama dad gaadhaya 2400 lagu wargeliyey inay ka baxaan magaalada Ceerigaabo marka la gaadho 21-ka bishan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this