Sign in to follow this  
Deeq A.

Haku Dan seegin Taageerida Cid markay Awooda Haysayba aan Wax kuu qaban!

Recommended Posts

Deeq A.   

Haku Dan seegin Taageerida Cid markay Awooda Haysayba aan Wax kuu qaban!

raygal.jpg
W/Q: Mohamed Raygal
Waxa la yidhi beryihii Nebigu (scw) dhintay baa xuunsho lagu yidhi “Xuunshoy, Nebigii Dhimay.” Markaas bay iyadoo niyadjab ka muuqdo tidhi “Intuu noolaa ba xaarkaan cunayey!”
Haatan waxan leeyahay maxaa iiga dan ah dhisidda dad markay awoodda haysteen ba aan agtooda ku dulmanaa ama iyagu ba i dulmiyey, waxqabad ha joogee.
Siyaasaddu waa maslaxad iyo mabda’. Waa inaad ku xisaabtanto yaa wax ii qaban doona oo dheef ii keeni doona (ama dhib i haysta iga kor qaadi doona). Taas waa dan (ama maslaxad xagga af Carabiga). Waxa iyana muhim ah inaad taageerto mabda’ ama qaddiyad sax ah oo aad aaminsan tahay taas oo ku anfacaysa adiga ama anfacaysa dadkaaga, If iyo Aakhiro mid uun, sida qaddiyadaha diinta iwm.
Waxii labadaas ka soo hadhay qofkii ama qabiilkii taageera waa u doqonnimo iyo dan la’aan. Liidnimo ka weyn ma jirto inaad cid ku taageerto qabyaalad ama hebel iyo reer hebel oo aan is xigno baa maslaxad & mansab helaya, kuwaas oo aan kugu cusbayn ee markay mansabka hayeen ba aan ku xasuusan ama ku dulmay ba.
Markaa waa inay baraarugaan reeraha mar walba lagu guuro ee aan hadhow na dib loo xusuusan ama la colaadiyo ba. Taas waa tii reeraha.
Xagga shakhsiyaadka na Soomaali haddaan nahay qof walba waa inuu ka baxaa dan la’aanta oo qof waliba ka shaqeeyaa dantiisa gaarka iyo tan guud inta kaga soo beeganta iska na illaawaa doqonnimada iyo inuu ku tiirsanaado qof ama qabiil iwm (self-reliance). Marka qof waliba isagu is dhiso ee dantiisa gaarka ah ka adkaado ayuu cid kale na waxtari karaa ama danta guud wax ku soo kordhin karaa (contribution) laakin haddii adigu adiga oo sagxadda yaalla hadda na aad dan la’aan meel afka haanraawe ah dhigayso ama ag fadhido oo ku dan seegto taageerada qof kale oo aad “magac guud” isugu timaaddaan dee markaa adna baaba’day dalkii na baaba’ oo horumar lama gaadhayo weligeed illeyn horumarka dalku waa wadarta horumarka dadka oo la isu geegeeyay iyo waxii dowladdu ku biiriso.
Ha ku dan seegin dhisidda qof (ama qabiil) aad si fiican isu barateen oo aan waxba kuu qaban markii awooddu gacantiisa (gacantooda) ku jirtay; waa iga dardaaran.
Salaam.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this