Sign in to follow this  
Deeq A.

UK Oo Qorsheyneysa In Ay Wax Ka Dhisto Mashruuca Dekedda Berbera Lagu Horumarinayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wakaaladda dowladda Ingiriiska u qaabilsan horumarinta maaliyadda ee CDC Group, ayaa sheegtay in ay si wada jir ah howlaha horumarinta dekedda Berbera kala shaqeyneyso DP World .

CDC Group ayaa carafka ku dhufatay in ay sanadaha soo socda ay dowladda Britain ay qorsheyneyso in ay lacago kor u dhaafaya 1.72 Bilyan ay ku horumarineyso qaaradda Afrika.

Qorshahaan ayaa ugu horeyn lagu horumarin doona dekedaha ay maamusho shirkadda DP World, waxaan dekedaha mashruucaan lagu casriyeynayo ay kala yihiin dekeda Ain Sokhna ee dalka Masar, dekada Dakar ee dalka Senegal iyo dekedada Berbera ee Somaliland, sida ay sheegtay CDC.

DP World ayaa sanadaha soo aaddan ku rajo weyn in ay maalgeliso illa iyo $1 bilyan, halka Wakaaladda dowladda Ingiriiska u qaabilsan horumarinta maaliyadda ee CDC Group, ay sheegtay in mashruuca marka hore ay kaga qeyb qaadaneyso $320 milyan marka dambana ay ku dari doonto $400 milyan.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this