Deeq A. Posted October 13, 2021 Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta xafiiska kula shiray Wasiirka Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta DPL Mudane Axmed Bashir Muuse ( Cirro) Iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdiqaadir Shiikh Maxamuud. Shirka ayaa waxa looga hadlay diyaarinta Qorshaha Naqshadeynta magaalada Bosaaso, Tirakoobka guryaha Iyo sidii loo bilaabi lahaa laami saarida wadadda dhinaca galbeed ee Magaaladda Bosaaso, waxa ayna taggi doonaan degmooyinka Gobolka. Guddoomiyaha Gobolka Bari Senator Cabdisamad Abwaan, ayaa xafiiska ku soo dhoweeyey wasiirka Iyo Agaasimaha waxa uuna uga warbixiyey xaalada guud ee Gobolka waxa ayna isla garteen qorshaha naqshadeynta degmooyinka Gobolka. PUNTLAND POST The post Magaalada Boosaaso oo Naqshadayn loo samaynayo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites