Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Guddiga Amniga Baarlamanka oo u yeeray Wasiir Gallan

Recommended Posts

Deeq A.   
1-15.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Guddiga Amniga iyo Nabadgalyada Baarlamanka Puntland ayaa Aqalka Wakiillada ugu yeeray Wasaaradda Amniga iyo DDRta Cabdisamad Gallan.

Ujeeddada ayaa ahaa is xog-wareysi u dhexeeya Guddiga iyo Wasaaradda, Wasiirka Amniga iyo DDRta Mudane, Cabdisamed Maxamed Gallan oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane, Maxamed Iimaan Cabdulle iyo Agaasimaha Maamulka & Maaliyadda Faysal Cabdullahi Farateeb ayaa waxay ka warbixiyeen guud ahaan xaaladaha amniga ee dalka, waxyaabaha u qabsoomay, caqabadaha haysta Wasaaradda iyo weliba baahiyaha jira, iyadda oo sidoo kalena, su’aalo laga weydiiyay arrimaha ay ka hadleen.

Intaa kadib, Guddiga ayaa isla qaatay inay u hawlgalidoonaan sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha ka jira, doorkooda ka qaadanayaan.

Sida uu qabo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Qodobkiisa 62.5 Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada waxa uu u xil-saaran yahay La socodka xaaladaha nabadgelyo iyo amni ee dalka, Ururinta dhacdooyinka nabadgelyo iyo amni xumo ee u baahan in degdeg wax looga qabto.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Guddiga Amniga Baarlamanka oo u yeeray Wasiir Gallan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this