Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya Oo Dib U Hawl-gelisay Warshadda Hilibka Dameeraha 7 Sannadood Xidhnayd.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Itoobiya ayaa dib u hawl-gelisay warshadda hilibka Dameeraha ee Magaalada Assela ee deegaanka Oromiya, kadib toddoba sannadood oo ay xidhnayd.

Ugu yaraan maalinkii waxa ay qali kartaa 300 oo dameero ah, waxaana shaqo abuur ka helaya 200 oo qof.

Rhong Chang oo ah shirkad shiinays ah ayaa ku maalgelisay kawaanka hilibka dameeraha lacag ka badan 60 Milyan oo Birr.

Shirkadda ayaa hilib qiimihiisu dhan yahay 80,000 oo doollar bishii hore u dhoofisay suuqyada Bariga Aasiya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this