Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax lagu laayay askar ka tirsan Milatariga Kenya oo ka dhacay Gobolka Laamu

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya Gobolka Lamu ee waddanka Kenya ayaa sheegaya in qarax xooggan halkaas lagula beegsaday kolonyo ka tirsan Milatariga dowladda Kenya.

Ilaa 14 askari oo ka tirsan Milatariga Kenya ayaa ku geeriyooday kadib markiii qarax miino lala beegsaday kolonyo ciidan oo marayay jidka u dhexeeya Milimani iyo Baargooni ee  Gobolka Laamu.

Warbaahinta gudaha Kenya ayaa laga soo xigtay wararka ku saabsan qaraxa oo lagu sheegay miino dhulka loo geliyay kolonyada halkaas maraysay.

Dhinaca kale malayshiyaadka Al-shabaab ee gudaha Soomaaliya ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxaas.

PUNTLAND POST

The post Qarax lagu laayay askar ka tirsan Milatariga Kenya oo ka dhacay Gobolka Laamu appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this