Sign in to follow this  
Deeq A.

Nuxurka War-saxafadeed ka soo baxay Shirkadaha DP World & CDC Group oo ku saabsan Dekeda Berbera

Recommended Posts

Deeq A.   

Nuxurka War-saxafadeed ka soo baxay Shirkadaha DP World & CDC Group

Port_of_Berbera.jpg

WAR SAXAAFADEED: Shirkadaha DP World iyo CDC Group waxay ka wada shaqaynayaan xoojinta ganacsiga Somaliland, Geeska Afrika, iyo guud ahaanba Afrika la leeyihiin caalamka

Shirkadaha DP World iyo CDC Group waxay ka wada shaqaynayaan xoojinta ganacsiga Somaliland, Geeska Afrika, iyo guud ahaanba Afrika la leeyihiin caalamka

  • Maalgelinta dekadda Berbera iyo marinka Berbera (corridor) waxay qayb ka tahay wadashaqayn ilaa mustaqbalka taxnaan doonta oo lagu furdaamin doono dheelliga xooggan ee ka jira ganacsiga caalamiga ah, oo lagu dardargelin doono awoodda ganacsi ee Afrika, laguna horumarin doono xaaladda dhaqaale ee malaayiin dad ah.
  • Mashruuca horumarinta dekadda Berberi waa maalgelintii u horraysay ee toos ah ee Somaliland hesho.
  • Waxa la qiyaasayaa in ballaadhinta iminka socotaa ay abuurto dhaqdhaqaaq ganacsiyeed oo u dhigma 6% tacabka idil (GDP) ee Somaliland ee 2035; marka la gaadho 2023, waxa la qiyaasayaa in ganacsiga ay dekaddu sahli doontaa wax u tari doono 53.000 oo shaqo oo Somaliland ah, oo uu wax ka badan rubuc dadweynaha ah u kordhin doono fursadda ay ku helayaan badeecadaha asaasiga ah.
  • Wadashaqaynta DP World iyo CDC waxay sidoo kale sahli doontaa isusocodka loojistikada guud ee marinka Berbera, sida Aagga Dhaqaale ee Gaarka ah (Special Economic Zone) ee laga dhisay duleedka Berbera.

SOMALILAND – 12 October 2021 –DP World, oo ah shirkad waarididda caalamiga ah ku shuqlan, iyo CDC Group oo qaabbilsan horumarinta maaliyadeed iyo maalgelinta horumarineed ee Boqortooyada Ingiriisku waxay isla bilaabayaan wadashaqayn mustaqbalka fog sii socon doonta oo lagu labajibbaarayo awoodda Dekadda Berbera, laguna horumarinayo tas-hiilaadka isusocodka loojistikada, si loo abuuro barkulan ganacsiyeed oo heer gobol ah. Arrintani waxay korukac weyn ku keeni doontaa dhaqaalaha Somaliland, waxaanay wax u tari doontaa koboca guud ahaan Geeska Afrika.

Maalgelintani waxay qayb ka tahay wadashaqayn ballaadhan oo mustaqbalka durugsan ku taxan oo loogu talagalay in lagu dardargeliyo awoodda ganacsiyeed ee Afrika, laguna horumariyo xaaladda dhaqaale ee malaayiin dad ah, iyadoo laga bilaabayo dekadaha Berbera, Dakar (Sinigaal), iyo Sukhna (Masar).

Afrika waxaa ku nool lix meelood meel dadweynaha adduunka, laakiin mugga raridda koontiinarrada adduunka waxay ku leedahay 4% oo keliya. Dekaduhu waxay muhiimad weyn u leeyihiin badhaadhaha iyo bedqabka dadweynaha ee mustaqbalka durugsan. Laakiin dekado iyo tas-hiilaad isusocod oo badan oo Afrika ah ayaa garba duuban oo aan lahayn awood ay ku kaafiyaan baahiyaha baayacmushtarka iyo dhaqaalaha gudaha.

Wadashaqayntan oo la soo dhisayay afar sano, gacan weyn bay ka geysan doontaa in arrintaa wax laga beddelo. Waxay furdaamin doontaa dheelliga xooggan ee ka jira ganacsiga caalamiga ah, iyadoo wax ka tari doonta casriyaynta iyo ballaadhinta isusocodka loojistikada dekadaha, iyo gudaha badda ka fog ee Afrika.  Wadashaqayntani waa muddo ilaa mustaqbalka fog taxan oo maalgelin ah. DP World waxay marka hore saamigeeda kaga qaybqaadanaysaa saddexdaa dekadood ee hore u sii jiray, waxayna ku han weyn tahay in ay $1 bilyan oo dheeraad ah arrintan ku sii maalgeliso dhawrka sano ee soo socda. CDC waxay marka hore u qoondaysay qiyaastii $320 milyan, waxayna ku han weyn tahay in ay ku maalgashato $400 milyan dhawrka sano ee soo socda. Macaamilkani wuxuu hoos tegi doonaa nidaamyo ansixineed oo korjoogteeya oo kama-danbays ah.

Dekadda Berberi lafdhabar bay u tahay dhaqaalaha Somaliland: sannadka 2023 waxa la qiyaasayaa in ay sahasho dhaqdhaqaaq gaancsiyeed oo u dhigma 27% tacabka idil (GDP) ee Somaliland, iyo 75% ganacsiga guud, iyadoo si dadban Somaliland uga abuuri doonta 53.000 oo shaqo.

Maalgelinta weyn ee dekadda iyo isusocodka loojistikada ee ku hareeraysani waxay kordhin doonaan heerka ay wax ka badan rubuc dadweynaha ahi ku heli karaan oo weliba iskaga bixin karaan badeecadaha, iyadoo ay faa’idada ugu xoogganna dareemi doonaan dadka ku tiirsan maciishadda asaasiga ah ee la soo dejiyo. Malaayiin dad ah oo ku nool guud ahaan mandiqadda ayaa heli doona faa’idooyin taa la mid ah. Dekadda Berberi sidoo kale waxay kaalin lexaad leh ka qaadataa in gargaarka bini’aadamtinnimo u gudbo mandiqadda, kaas oo gaadha in ku dhow 2 milyan oo qaxooti iyo dadyawga gudaha dalalka ku dhex barakacay isugu jira.

Dekaddu waxay sidoo kale noqonaysaa irrid ay baayacmushtarka iyo shirkadleyda Somaliland ka galaan suuqyada caalamiga ah, sidaas oo kalana waxay wax ka tari doontaa koboca sharikaadka dhoofinta ee madaxa la soo kacaya balse isusocodka loojistikada ee maanta kala dhimani uu caqabadda ku yahay. Dhinacyo kala duwan baa la qiyaasayaa in ay ballaadhintan ka faa’idi doonaan, sida ganacsatada dhoofisa xoolaha nool, waxsoosaarka beeraha iyo dalagyada aan kaydka gelin, iyo marmarka iyo qalabka dhismaha.

Dekaddu waxay noqonaysaa maalgelintii u horraysay ee toos ah iyo heshiiskii u horreeyay ee caalami ah ee aan macdan la xidhiidhin ee Somaliland abid soo mara. Wadashaqayntan waxa sidoo kale lagu maalgashanayaa mashruucyo isusocodka loojistikada ah oo arrintan la xidhiidha, oo dhankoodana kobcin doona awoodda dhaqaale, sida Aagga Dhaqaale ee Gaarka ah ee laga dhisay duleedka Berbera.

Suldaan Axmed bin Sulaymaan, oo ah Guddoomiyaha Guud iyo Madaxa Fulinta ee DP World, ayaa yidhi: “DP World waxay Afrika u aragtaa suuq koboc leh oo mustaqbalka durugsan loo aayayo, fursaduhuna aad bay u sarreeyaan. Wadashaqayntan aannu CDC la yeelanaynaa waxay si weyn noogu saamaxaysaa in aannu dardargelinno oo ka faa’idaysanno fursadahaas, waxayna awood noo siin doontaa in aannu kordhinno maalgelinta aannu ku samayno dekadaha iyo tas-hiilaadka isusocodka ee Afrika. Wadashaqayntani waxay tobanka sano ee soo socda fursado wax-ku-ool ah u abuuri doontaa malaayiin dad ah.”

Nick O’Donohoe, oo ah Madaxa Fulinta ee CDC Group, ayaa yidhi: “Dhaqaalaha xasilloon ee kobcaa wuxuu yimaaddaa marka xidhiidh lala leeyahay ganacsiyada caalamiga ah ee qaaradaha u kala goosha. Awoodda Afrika ee dihin waxa xaddida dekado aan ku filnayn iyo mashaakil ganacsiyeed oo lugaha haya, kuwaas oo dib u dhiga koboca dhaqaale ee qaar ka mid ah dalalkii adduunka ee korriinkoodu ugu dhakhsaha badnaa, oo dhantaala kartida adkaysiga bulsheed ee dalalka adduunka ee horumarkoodu gaabinayo. Wadashaqayntani waxay shirkadleyda iyo baayacmushtarka ka caawin doontaa in ay dardargeliyaan kobocooda iyagoo fursad u helaya isticmaalidda marriinno ganacsiyeed oo la isku hallayn karo, waxayna macaamiisha reer Afrika ka caawin doontaa in ay ka faa’idaystaan isku-hallayntaa taabagalka ah iyo qiimaha jaban ee badeecadaha muhiimka ah iyo maciishadda asaasiga ah.

“Waa noo sharaf in aannu DP World ka taageerno in ay hawlo badan ka fuliso Afrika, oo jidka loo jeexo ganacsiga reer Afrika ee dacalada caalamka.”

Richard Charlton, Agaasimaha Maalgashiga ee CDC Group, ayaa yidhi: “Cusboonaysiinta ku socota tas-hiilaadka ganacsiyeed ee marinka Berbera waxa laga filanayaa in ay si weyn u kordhiso fursadaha dhaqaale ee baayacmushtarka Somaliland, iyo sidoo kale in ay horumariso tayada nololeed ee reer Somaliland iyadoo kordhinaysa heerka adeegyadaa la helayo, oo hoos u dhigto qiimaha badeecadaha muhiimka ah ee la soo dejiyo. Waxaannu rejaynaynaa in maalgashiga CDC uu muujin doono in aaggan la maalgashan karo, oo uu fududayn doono in mustaqbalka ay ganacsiyada gaarka loo leeyahay helaan maalgashi dibadeed oo toos ah. Arrintani waxay kor u qaadi doontaa koboca dhaqaale ee Somaliland iyo guud ahaan marinka Berbera, iyadoo fursado dhaqaale u abuuri doonta dadweynaha.”

-Dhammaad-

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this