Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Gobolka Bari oo kulan gaar ah la yeeshay hay’adaha Caalamiga ah

Recommended Posts

Deeq A.   
4-13.jpg?resize=960%2C720&ssl=1

Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Senator Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta kulan la qaatay hay’addaha caalamigga ah ee ka howl-gala Gobolka Bari.

Kulanka ayaa waxa looga hadlay xoojin isku xirka maamulka Gobolka Iyo Hay’addaha, is xog-wareeysi mashaariicda ka socda Gobolka iyo kuwa soo socda, saameeyntii ka dhalatay ayaxa ee deegaanada Gobolka, ka hortagga xaalufka dhirta Iyo joojinta dhuxusha,. Shirkan ayaa waxa xirriiri naysay hay’adda UNOCHA.

Shirka ayaa waxa ka soo qeyb galay wasiir ku-xigeenka wasaarada arrimaha Gudaha, Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Gobolka Bari, Guddoomiyaha Degmada Bosaaso, hay’addaha ka howl-gala gobolka, NGO yadda, Iyo qeybo ka mid ah isuduwayaasha Gobolka.

Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Senator Cabdisamad Abwaan, ayaa war-bixino xaaladda taagan iyo mashaariicda socda ka dhageeystay hay’addaha waxa uuna uga mahadceliyey ka soo qeyb galka shirkan isagoonna ku dhiiragaliyey in ay xoojiyaan mashaariicda lagu hormarinayo Gobolka kanna qeyb qaataan xaaladaha taagan.

PUNTLAND POST

The post Maamulka Gobolka Bari oo kulan gaar ah la yeeshay hay’adaha Caalamiga ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this