Sign in to follow this  
Deeq A.

Algeria Oo Shuruud Ku Xidhay Inay Dib Ula Heshiiso Faransiiska

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Algeria)-Madaxweynaha Algeria Abdelmadjid Tebboune ayaa Axaddii “ixtiraam buuxa” ka dalbaday Faransiiska kadib murankii dhex-maray labada dal ee ku saabsan dal-ku-galka iyo haddallo aan wanaagsaneyn oo Paris ay ka sheegtay dalka ku yaalla Waqooyiga Afrika.

Toddobaadkii tegay, Algeria ayaa u yeeratay safiirkeeda Paris, waxayna hawadeeda ka mamnuucday diyaaradaha millatari ee Faransiiska, oo ay si joogto ah ugu adeegsadaan howlgallada lagula dagaalamayo jihaadiyiinta gobolka Sahel.

Tallaabooyinkaas ayaa daba socday muran ka dhashay dal-ku-galka Faransiiska oo laga xadiday muwaadiniinta Algeria iyo warbixino warbaahineed oo sheegay in madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu sheegay hadallo ka dhan ah Algeria.

Macron ayaa lagu warramay inuu ku yiri dadkii farcmaya dagaal-yahanadii dagaalkii madax-banaanida Algeria ee 1954-1962 “Algeria waxaa lagu xukumay nidaam-siyaasadeed militari, oo gebi ahaan dib u qoray taariikhdeeda.”

Xafiiska madaxweynaha Algeria ayaa ku jawaabay in hadalladaas ay faro-gelin ku yihiin arrimaha gudaha Algeria.

Madaxweyne Tebboune ayaa Axaddii markii ugu horreysay si shaacsan uga hadlay muranka Faransiiska, wuxuuna ixtiraam buuxa ka dalbaday dalkii horey u gumeysan jiray.

Dib usoo laabashada safiirka Algeria ee Faraniiska “waxaa ku xidhan shuruud ah in dalka Algeria uu helo ixtiraam buuxa”, ayuu Tebboune u sheegay warbaahinta gudaha.

“Waan hilmaamnay in Algeria ay mar aheyd maxmiyad Faransiis ah…taariikhda ma ahan in laga been sheego,” ayuu yidhi.

“Iskama dhigi karno inaysan waxba dhicin,” ayuu Tabboune ka yidhi taariikda Algeria iyo gumeystihii hore ee Faransiiska.

Hadallada Macron oo uu baahiyey wargeyska maalinlaha ee France ee Le Monde ayaa waxaa si aad ah u qaatay warbahainta Algeria oo ku qeexay “naceyb”.

Macron ayaa lagu warramay inuu cambaareeyey wax uu ugu yeeray “taariikhda rasmiga ah” ee Algeria ay qoratay, isaga oo sheegay “inysan ku dhisneyn xaqiiqda.”

AFP

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this