Sign in to follow this  
Deeq A.

Wax ka ogow kiisaska muranada Badda ee ay horay u xukuntay Maxkamadda ICJ?

Recommended Posts

Deeq A.   

Wax ka ogow kiisaska muranada Badda ee ay horay u xukuntay Maxkamadda ICJ?

Soomaaliya ayaa si buuxda isugu diyaarisay ku dhawaaqista go'aanka, halka Kenya ay sheegtay in aysan qayb ka ahayn
Soomaaliya ayaa si buuxda isugu diyaarisay ku dhawaaqista go’aanka, halka Kenya ay sheegtay in aysan qayb ka ahayn

Maanta oo Talaado ah ayay garsoorka Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ku dhawaaqayaan go’aanka kama dambeysta ah ee kiiska muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Wakiillada matalaya Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa ku sugan magaalada Hague ee xarunta u ah maxkamadda, waxayna isu diyaariyeen si buuxda.

Ilo ku dhow dhow wafdiga Soomaalida ayaa muujinaya in ay rajo badan ka qabaan go’aanka maanta ee taariikhiga ah.

Dowladda Kenya ayaa qaaddacday hannaanka dacwadda, ilaa haddana ma jierto cid ku mataleysa maxkamadda caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ).

Go’aannadii ay horay maxkamadda ICJ uga soo saartay kiisas badan

Mxkamaddan oo hoos tagta Qaramada Midoobay waxay awood weyn u leedahay inay qaaddo, go’aannana kasoo saarto kiisaska la xiriira muranka u dhaxeeya dalalka.

ICJ doorkeedu waa in haddii dacwad loo gudbiyo ay xal ka gaarto waxyaabaha ay isku mari waayaan dalalka iyadoo la tiigsaneysa sharciga caalamiga ah.

Waxay maxkamaddu dhisneyd tan iyo sanadkii 1945-kii, waxaana mararka qaar lagu magacaabaa “Maxkamadda Adduunka”. Waxaa la shaqeeya hay’ado ka tirsan Qaramada Midoobay oo ay isla dhiraandhiriyaan kiisaska ay gacanta ku heyso mar walba.

 

Maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda

Kiiskii ugu horreeyay ee gacanta maxkamadda ICJ soo gala waxa uu ku saabsanaa muran u dhaxeeyay UK iyo Albania, kaasoo dacwaddiisa loo gudbiyay 22-kii bishii May ee sanadkii 1947-kii.

Intii u dhaxeysay 22-kii May, 1947-kii ilaa 5-tii March 2021, waxay maxkamaddu qabatay 179 kiis oo soo galay liiskeeda guud.

Kiis la mid ah midka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ee ku saabsan xadka badda waxa ay maxkamaddu kula tacaashay waddamada Costa Rica iyo Nicaragua oo is heystay. Kiiskaas ayaa sidoo kale in muddo ah jiitamaya.

Waddanka Nicaragua oo ku yaalla Qaaradda Koonfurta America ayaa waddamo dhowr ah oo daris la ah kula murmay xadka badda, waxaana dacwadahaas oo dhan la wareegtay maxkamadda caalamiga ah ee Caddaaladda.

Kiisaska kale ee ku saabsan muranka xadka badda, oo qaarkood uu wehliyo khilaaf dhinaca xadka dhulka ah, waxaa ka mid ah:

Nicaragua v. Colombia

Nicaragua v. Honduras

Peru v. Chile

Romania v. Ukraine

Cameroon v. Nigeria [Equatorial Gueinea oo soo farogelisay]

Qadar v. Baxreyn

Denmark v. Norway

El Salvador iyo Honduras oo isku dhinac ah iyo Nicaragua oo faragalisay

Xukun ay horay go’aan uga soo saartay maxkamadda ICJ

Bishii January ee sanadkan, Guddi qaabilsan sharciga badaha oo ay sameysay Qaramada Midoobay ayaa go’aamiyay in Britain aysan xaq u lahayn jasiiradaha Chagos oo ay lahaanshahooda ku muransanaayeen waddanka Mauritius.

Guddiga ayaa ku dhaliilay UK sida ay ugu guul darreysatay inay jasiiradahaas ku wareejiyo Mauritius oo si sax ah u leh.

Jasiirad

Go’aanka guddiga Qaramada Midoobay ayaa ayidayay xukun kasoo baxay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) oo isla sidaasoo kale u sheegtay in jasiiradahaas ay ka tirsan yihiin Mauritius, Britain-na aysan xuquuq ku lahayn. Xukunka maxkamadda waxa uu daba socday dacwad ku saabsan murankaas oo loo gudbiyay.

Isla go’aankaas waxaa lagu sii xoojiyay codeyn laga qaaday Golaha Loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Jaziiradahaas ku yaalla badweynta Hindiya waxaa meel ka mid ah ka dhisan saldhig ay leeyihiin militariga Mareykanka. Hase yeeshee UK ayaa shegetay in ay dib u celin doonto oo kaliya marka ay ka dhammeysato danaheeda la xiriira dhinaca difaaca.

Kiiska Soomaaliya iyo Kenya oo daba dheeraaday

ICJ

Muddo toddobo sano ah ayaa laga dhur sugayay go’aanka ku saabsan kiiska dacwadda badda ee u dhaxeeya Soomalaiya Soomaaliya iyo Kenya, marar badan ayaana dib loo dhigay dhageysiga.

Dowladda Kenya ayaa dhawaan qaaddacday ka qayb galka dacwadda kaddib markii ay garsooreyaasha ku gacan seyreen dalab ay ku doonayeen in dib loo dhigo.

Wakiillada Kenya ayaa sheegay in aysan diyaar ahayn, maadaama uu saameyn ku yeeshay fayraska safmarka ah ee Corona.

Balse maxkamadda ayaa ku adkeysatay in ay go’aanka xukunka soo saarto iyadoo aan dhag jalaq u siineynin tabashada Kenya.

Bartamihii bishii February ee sanadkan 2021 ayay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee ICJ gaashaanka ku dhufatay dalab uga yimid Kenya oo dooneysay in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda kala dhexeysa Soomaaliya.

Qoraal ay xilligaas soo saartay maxkamadda ayaa lagu sheegay in bisha March la billaabayo dhageysiga kaddibna loo gudbayo xukunka.

Markii la gaaray bishii March ee ay maxkamaddu qabatay, Qareennada matalaya Soomaaliya ayaa gudbiyay doodahooda ku aadan muranka badda.

‘In labada dal ay si gaar ah u heshiiyaan’

Labada waddan mid walba wuxuu sheeganayaa inuu leeyahay biyahan oo ku fadhiya dhul lagu qiyaasay 1,000km oo isku wareeg ah
Labada waddan mid walba wuxuu sheeganayaa inuu leeyahay biyahan oo ku fadhiya dhul lagu qiyaasay 1,000km oo isku wareeg ah

Bishii December 2017 ayey Kenya xareysay jawaabteedii ay ka bixineysay kiiska ay Soomaaliya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.

Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya wuxuu ku dooday in maxkamadda aysan xaq u lahayn in ay go’aan ka gaarto kiiskan. Wuxuu codsaday in arrintan ay labada dal ku xalliyaan wadahadal.

Hase ahaatee Soomaaliya ayaa ku adkeysatay in kiiska aan loo fariisanin miis aan ahayn kan maxkamadda ICJ, tan iyo xilligaasna waxaa labada waddan ka dhex aloosnaa xiisad diblomaasiyadeed oo marba waji yeelaneysay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this