Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo ka qayb-gashay shir caalami ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar iyo wefti uu hoggaaminaayo, ayaa ka qeyb-galay shirka dawladaha dhex-dhexaadka ka ah isbahaysiyada ka jira caalamka oo si rasmi ah uga furmay caasimada Beldgrade ee wadanka Serbia.

Shirka waxa qeyb-galay in ka badan 105 wadan oo ay Soomaaliya ka mid tahay iyo wufuud kale oo caalami ah.

Shirka ayaa socon doona muddo laba maalmood ah oo Madaxda ka soo qeyb-gashay ay khudbado ka jeedin doonaan, ayaa lagu xusayaa sanad-guurada 60aad ee ka soo wareegtay wakhtigii la aas-aasay dhaq-dhaqaaqan oo ay Soomaaliya ka mid tahay aas-aaseyaashii isbahaysiga.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya oo ka qayb-gashay shir caalami ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this